Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa canbaareyn kulul usoo jeedisay Dagaalkii saaka aroortii ka qarxay Deegaanka Karin,waxaana ay dawladu sheegtay in Dagaalkan uu yahay mid lagu waxyeelaynayo degenaanshaha goobaha Xasiloon ee dalka.
Wasiirka Ganacsiga ee Dawlada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdi-Xaashi (Cirro) oo Goordhaweyd la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in Dagaalkan ay ka xunyihiin waxaana uu Wasiirku sheegey in ay Sirdoonka Dawladiisu ay horay u ogaadeen in Canaasir katirsan Alshabaab ay Puntland kusii qulqulayaan.
“Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanada Buurleyda ah waanu canbaareynaynaa,shucuubta Puntland-na waan oga tacsiyeynaynaa Dagaalkan,waxaanuna u sheegaynaa inay Digtooni muujiyaan oo ay Xukuumadooda garab istaagaan”Ayuu yiri Cabdirashiid Cirro.
Mr,Cirro wuxuu sheegey in Kooxda Alshabaab ay markasta jecelyihiin Dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Bari oo uu sheegey in Nabdoonaani ay kajirto
Source-Bnn
















Posted in 





