Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

DFKMG iyo Xarraktul-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Bakool

July 30, 2010 By: Idhanka Category: News

l Jimco, 30 July, 2010 (Idhanka) – Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalo shalay gallinkii dambe iyo saakay ku dhexmaray degmada Yeed ee gobolka Bakool, halkaasoo ay koox walba doonayso inay iyagu gacanta ku dhigto.

Wararka ka imaanaya degmada uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala gaartay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac taasoo aan la sheegin tiradooda rasmiga ah, balse wararku waxay sheegayaan inay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo labada dhinac ah ayna tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen.

“Degmada Yeed innaga ayaa gacanta ku hayna, waxaana la wareegnay gacan ku haynteeda shalay gallinkii dambe, saakayna waxaa dhacay dagaal,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Sarkaal u hadlay DFKMG oo lagu magacaabo C/nuur Maxamed Xasan ayaa isaguna maanta saxaafadda u sheegay in ciidammada dowladdu ay gacanta ku dhigeen degmada Yeed, kaddib dagaal ay la galeen Xarrakatul Shabaab oo shalay la wareegtay.

C/nuur, wuxuu sheegay in dagaalka ay kaga dhaawacmeen dagaalka, isagoo aan sheegin dhimasho soo gaartay askartooda, wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dhinaca kale gaaray.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhimasho iyo midda dhaawac ee rasmiga ah oo dagaalka ka dhashay, iyadoo laga dareemayo degmada Yeed oo ku dhow soodinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya xiisado colaadeed oo labada dhinac u dhexeeya.

Qaar ka mid ah dadkii degmadaas ku noolaa ayaa ka barakacay, iyagoo baqdin ka qaba in mar kale lagu kor dagaalamo, waxaana dhinacyada ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen degmada Yeed oo koox walba ay u argto inay muhiim u tahay gacan ku haynteeda.

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole