Dagaallo iyo duqeymo geystay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Arbaco, 28 July, 2010 (Idhanka) – Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay 40-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo ku dhexmaray Magaalada Muqdisho ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM iyo Ururka Xisbul Islaam.

Dagaalka oo ka dhacay degmada Hodan, ayaa ahaa kuwo xooggan, waxaana khasaaraha ugu badan geystay duqeymaha iyadoo Suuqa Bakaaraha ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad fara badan, waxaana madaafiicda khasaarha geystay laga tuurayay saldhigyada ay ciidamada AMSIOM ku leeyihiin Muqdisho.
“Madaafiicdii ugu badnayd ayaa xalay lagu garaacay degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo weliba Suuqa Bakaaraha, waxayna khasaare kasoo gaartay dad fara badan” ayuu HOL u sheegay wariye ku sugnaa xalay Suuqa Bakaaraha.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyada 40-qof oo qaarkood ay halis ahaayeen, inkastoo ay xaladdu saakay daggan tahay marka loo eego xalay iyo shallay gallinkii dambe oo ay dhacayeen dagaallo culus iyo duqeymo.

Dagaalladan ayaa waxay daba socdaan kuwo horay uga dhacay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay Dowladda, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 100-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maydadka dadkii ku dhintay madaafiicdii lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa saakay laga helay jidad yaryr oo ay ku dhinteen, waxaana duqeymahan lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu cuslaa oo loo geysto Suuqa Bakaaraha muddo bil ka badan.

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes