Dagaal U Dhaxeeya Kooxo Taabacsan Shabaabka iyo Ciidamada Puntland oo saaka ka Qarxay Deegaanka Galgala
Dagaal saaka ka qarxay Buurta Galgala ee Bariga Puntland Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo taabacsan Wadaad diimeedka Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa saaka ka qarxay Buurta Galgala oo fariisin u ah wadaadka.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Maleeshiyaadka Maxamed Saciid Atam ay weeraro ku soo qaadeen Ciidamada Puntland oo dhowaan gaaray meelo aan ka fogeyn Buurta Galgala.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Ciidamada Puntland kuwooda loo yaqaano PIS-ta oo dhowaan sheegay inay weeraro ku qaadayaan.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay Maxamed Saciid Atam inuu xiriir la leeyahay Xarakada Alshabaab, isla markaana Buuraha Galgala uu muddo ciidan ku uruursanayay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalada ka soconaya Buuraha Galgala, oo la sheegay inay qarka u saaran tahay inay noqoto Tora-Borada cusub ee Soomaaliya


















