Dagaal Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyada SSC ku dhexmaraya Widhwidh

 

Widhwidh(Idhanka)- Dagaal Qadhaadh ayaa ilaa xalay Saqdii dhexe ku dhexmarayey Degmada Widhwidh ciidamada Somaliland iyo Koox Maleeshiyada ee SSC kuwaas oo weerar kusoo qaaday Degmada.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa saaka dib u bilaabmay iyadoo wararka hor dhaca ahi sheegayaan in Hal Askari uu kaga dhintay Ciidamada Somaliland dhaacwana jiro iyadoo aan laga warhayn dhinaca kale waxa khasaaro gaadhay.

Col Cali Sabrey oo hogaaminaya Maleeshiyada SSC oo saxaafadda u waramayey ayaa sheegay in dhankooda ay ciidamo la socday kabaxayn dagaalka balse aanay waxba u noqonayn oo ay sii wadi doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ay la xidhiidhay saxaafadda Somaliland ayaa isna xaqiijiyey inuu dagaalku jiro balse uu saxaafadda u warami doono mar dahw.

Kooxda SSC oo matalaya Beelaha Dega Sanaag, Sool iyo Buuhoodle (Cayn) ayaa doonaya inay ciidamada Somaliland xoog kaga kiciyaan goboladaas kadibna ay dhisaan maamul u gaar ah oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntlandba.

kala soco Idhanka wixi kasoo kordha

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player