Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Dad siyaabo kala duwan xalay loogu dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

July 30, 2010 By: Idhanka Category: News

Jimco, 30 July, 2010 (Idhanka) – Laba qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir qof kalena waa la dhaawacay, kuwaasoo qaarkood ay ahaayeen dad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Kooxo hubeysan ayaa ku dilay xaafadda Buulo-xuubey ee degmadaas qof raiyd ah, iyagoo sidoo kalena dhaawac u geystay ganacsade dukaan ku lahaa xaafadddaas, kaasoo lagu magacaabo Macruuf, waxaana loo qaaday dhaawaciisa Isbitaalka Madiina.

Dableydan oo dhac u geystay dukaanka ayaan la ogeyn sababta keentay inay dhawacaan dukaanlaha, iyo sidoo kale sababta keenta inay dilaan qofka rayidka ah, mana jirto cid la ogyahay oo ay kooxahaas ka tirsanaayeen.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan DFKMG ayaa isla xalay ku toogtay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ruux ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab, iyadoo laba qof oo ninka la dilay la socdayna ay baxsadeen.

Maamulka degmada Wadajir oo hoostaga dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay baaritaanno ay ammaanka degmadaas ku sugayaan, inkastoo mas’uuliyiinta degmadaas aysan ka haldin dilalkii xalay ka dhacay degmadooda.

Dhanka kale, degmada Wadajir ayaa habeen ka hor waxaa ka dhacay qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada, kaasoo khasaare gaarsiiyay askar iyo dad shicib ah oo ka dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole