Cumar Cige Geele oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Awdal oo baah tahniyada u diraya Madaxda Cusub ee Somaliland

Borama(Idhanka) waxaa in dhawaalaba soo gaadhay shabakadan caaliga ah baaqyada tahniyada ah ee loo dirayo Madaxwaynaha Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne ku xigeenka Eng:C/raxmaan C/laahi Ismail(Saylici), oo ay u dirayaan, dhamaan bulshada Reer Awdal/Salal, aqoonyahankeeda, waxgaradkeeda, culumadeeda, ganacsatada iyo bulshada inteeda kale.hadaba dhawaan ayaa waxaa baaqan tahniyada ah na soo gaadhsiiyay mid ka mid ah waxgaradka ugu cadcad ee ka soo jeeda Gobolka awdal oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Cige Geele,tahniyadiisan ayaa waxa ay ku socotaa maamulka cusub ee loo doortay Jamhuuriyada Somaliland iyo Siyaasiga wayn ee xisbiga KULMIYE keenay Gobolada Awadal/Salal Mudane Axmed Muxumad Geele(Dacar)

Hoos ka akhri hanbalyadii

 
Magaceyga waa Cumar Cige Geelle waxaana ku noolahay dalka Canada Maanta oo ah maalin Taariikhi ah aad iyo aadna shucuurtayda kor iigu qaaday ayaa waxaan tahniyad iyo Hambalyo dheeradaada u dirayaa xisbiga hada ku guulaystay talada dalka Somaliland, marka hore waxaan rabaa in aan tahniyadaan aan u diro dadwaynaha reer Somaliland mee kasta oo ay joogaanba iyo Gudida Komishanka qaranka ee suura galisay in ay Doorashadu si xaq iyo xalaal ah u dhacdo.

Marka labaad waxaan halkan Tahniyad iyo hambalyo dheeraad ah u dirayaa Madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo dhamaan taageerayaashooda qiimaha iyo qaayaha badan.

Intaa kadib waxa aan halkaan si wanaagsan aan ugu faraxsanahay walaalkay oo ah nin in badan ahaa Mucaarad oo u soo samray xisbigiisa ahaana Nin aad iyo aad u go’aan adag ilaahayna uu go’aan kisii u aqbalay aakhirkiina guul wayn uu gaadhay Xisbigiisii uu intabadan u soo dadaalaayay ee Kulmiye isla markaana ahaa qofkii ugu horeeyay ee keena G/Awdal calanka Kulmiye lana soo maray marxalad kala duwan magaciisuna yahay Axmed Muxumed Geele (Dacar).

Hadaba waxaan si sharafleh aan  uga rajaynayaa xisbiga uu Madaxwaynaha cusub uu hogaaminaayo ee Kulmiye in ay dadaalkoodii ay marka horeba ugu tala galeen ay  halkii ka sii wadaan oo ay la yimaadaan isbadal aduunyadu ay ku dayato ilahayna hala garab galo waxaana leenahay dhamaantayo Aamiiin Aamiin Aamiin.

 alt
Cumar Cige Geelle
Canada

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player