Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Ciidamadad Qaranka ayaa maanta Rasaas ku furay dad mudaharaad ay kaga soo horjeedaan qaabka loo soo xulay Xukuumadda Axmed Siilaanyo ka dhigay magaaladda Boorame

July 30, 2010 By: Idhanka Category: News

Sida uu ku qiray Guddoomiyaha Gobolka Awdal waraysi uu  goor dhaweyd siiyay Idaacadda BBC da waxa ka dhacay magaaladda Boorame mudaharaad lagaga soo horjeedo qaabka uu Siilaanyo Beelaha reer Somaliland ugu qaybiyay kuraasta wasiiradda ee xukuumaddiisa, taasoo ay dadweynaha Gobolka Awdal saluugeen

Guddoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu waraysigaasi ku qirtay in Ciidamadda Milatariga ee fadhigoodu yahay Boorame dadkaasi ay ku kala dareeriyeen Rasaas, isla markaana Xaalada Gobolku degan tahay, ciidamadiina ay xeryahoodii ku celiyeen

Wariyaha Waaheen ee Boorame oo war ka soo diray dhacdadan ayaa sheegay in tiraba sadex jeer oo kala duwan ay dadku sameeyeen gadood ay kaga soo horjeedaan Saami qeybsiga Gobolka Awdal laga siiyay kuraasta Xukuumadda oo dhan laba wasiir oo la siiyay wasaarado magac u yaal ah, waxaanu sheegay inay ciidamada Milatarigu sadexda jeer ba ka hortageen dadkii mudaharaadayay oo u badnaa Dumar iyo Caruur

Wax khasaare ah oo soo gaadhay ma jiro dadkii Mudaharaadayay hase yeeshee waxa uu wariyaha Waaheen ee Gobolakaasi sheegay inuu jiro abaabul balaadhan oo loogu diyaar garoobayo mudaharaad ka dhici doona beri Gobolkaasi, waxaanu intaa ku daray mudaharaadka maanta dhacay inuu hordhac u yahay kaasi

Dhinaca kalena magaaladda Hargeysa waxa maanta ka dhacay Mudaharaad kale oo ay samaysay Beesha Ayuub, kuwaasoo taayiro ku gubay wadada xaafadaas tagta isla markaana waxa saaka lagu waaberiistay Calanka Somaliya oo ay xalay sudheen guryo badan oo ku yaala xaafada ay u badan yihiin ee Isha-boorame, waxaana rasaas ku kala eryay Ciidamada lidka Diyaaradaha ee xaafadaasi degan ka dib markii ay shiideen dadkii mudaharadaayay

Sida uu ku soo waramay mid ka mid ah wariyayaasha Waaheen oo goob joog ahaa, waxa mar danbe goobtaas gaadhay Ciidamo farabadan oo Booliis ah oo uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo ay weheliyaan Taliyaha Hawgalinta ee Ciidanka Booliiska C/laahi Fadal iyo taliyaha Qaybta Galbeed ee Booliiska oo wata Ciidamo badan waxaanay xidhxidheen dad fara badan oo iskugu jira Odayaal, Ganacsato iyo dhalinyaro isugu jirta rag iyo Dumar

Source-waaheen

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole