Ciidamada Amaanka Bosaaso oo Bilaabay Baaritaanka Guryaha Dadweynaha
Ciidamada Amniga ee magaaladda Bosaaso ayaa saaka markii ugu horeysay abid bilaabay baaritaanka guryaha ku yaal qaar ka mid ah xaafadaha Bosaaso.
Xaafadaha la baarayo ayaa ku yaalla dhanka galbeed ee magaaladda,waxaana ay yihiin labada xaafadood ee lagu kala magacaabo New Bosaaso iyo Laanta Hawada.
Ciidanka oo wata gaadiidka dagaal iyo hub badan ayaa aroortii hore ee maanta kusoo jarmaaday xaafaddaha iyagoo galaya guri weliba isla markaana baaritaan ku samaynaya qol walba, xilligaasi oo kusoo beegantay wakhti ay dadku isu diyaarinaayeen in ay magaaladda u soo shaqo tagaan.
Waxaana dadka degan guryaha ay ciidanka weydiinayaan dhowr su’aalood iyadoo baaritaanka ka dib ay isaga tegayaan.
Howlgalada lagu baraayo guryaha ayaa laga bilaabay magaaladda markii ugu horeysay taariikhda, hawlgalkan ayaa socon doona muddo dhowr asbuuc ah, waxaana maamulka gobolka Bari uu sheegay in lagu xoojinaayo amaanka.
Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Booliska iyo maamulka ayaa ilaa iyo hadda weli ka hadlin howlgaladaan iyo natiijooyinka laga gaarey.
Shalay xilli ciidanku ay baarayeen guri ku yaalla xaafadda New Bosaaso gaar ahaan agagaarka Hoteelka International Village uu iska horimaad ku dhexmaray dabley hubeysan taas oo keentay dhaawac ilaa saddex askari oo la geeyey isbitaalka Bosaaso.
Ciidamada Amniga ayaa horey u sameeyey raaf lagu qabqabtay boqolaal dad ah kuwaasi oo dib loogu celiyey gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxaana inta badan hawlgaladan laga fuliyey xaafadaha ay ku badan yihiin dadka magaalada ku cusub ee dhanka Netco, Raf iyo Raaxo, Suweeto iyo Laamiga Weyn. Waxaana hada muuqata in ciidamada ay hawlgalkooda usoo wareejiyeen dhanka Xaafadaha New Bosaso iyo Laanta Hawada ee saaran Waqooyiga Bosaaso.
Source-Bnn


















