Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa cambaareeyay isu-soo-bax lagaga horjeedo habka magacaabista xukuumadda cusub ee Somaliland oo shalay ka dhacay magaalada Borama

.

Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Borama, ayaa naqdiyay habka uu u dhacay isu-soo-baxaasi.

“Waxaan leehay oo caawa (xalay) halkan uga jeedinayaa bulshada reer Somaliland, gaar ahaana reer Awdal ee degmada Borama, halkan waxaa ka dhacay mudaharaad lagu caddaynayo tabashada ay dadku ka tabanayaan Xukuumadda maanta dawlada cusub soo dhistay, umaddu wax way taban kartaa , wax waa la sheegan karaa, waa laga doodi karaa, waana la diidi karaa wixii la tabanayo, waxaanse meesha ku jirin waxyaabaha saa’idka ah ee aan ku jirin dawladnimada, dadnimada iyo dalkaba ku jirin, waa in laga reebaa,” ayuu yidhi Suldaanku, waxanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaasi waa maxay, waxa weeye, dadku marka ay wax tabanayaan waxa ay leeyihiin hogaamiyayaal, Salaadiin, Cuqaal, siyaasiyiin bay leeyihiin.

 Markaa waa inay tagaan miiska wada hadalada oo waxa ay tabanayaan halkaas ka sheegtaan. Markay maaran waayaan waa in ay talo wixii iska waydiiyaan,oo wixii ay doonayaan talo ahaan la iska waydiiyaa, talo ahaana lagu maareeyaa. Laakiin, maaha wax aan la isku ogayn  oo aan laga tashanin oo aan la iska arkin la iskagana iman
 ay markasta yimaadaan maaha.”

Suldaanku wuxuu sheegay in ay madax dhaqameed ahaan iska arki doonaan dhacdadan, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxaan hadalkayga ku soo gabo gabeynayaa , in ay wixii mudaharaadkan maanta
dhigay ee ka danbaysay ee waday yayna ku noqon ha ka joojiso dadka, halkay wax yaalaan iyo cidii hayso iyo ciday wax ku maqan yihiin way garanaysaa ee ha tagto,waxaan leehay ka salaadiin ahaan, ka culuma
ahaan, anagu hadaan nahay Madaxdhaqameedyadii iyo salaadiintii goboladan,iyo odayaashaba waan is arkaynaa wixii nagaga haboon ana waan ka hadli doonaa waanan ka qaban doonaa haduu alla idmo, laakiin
waxaan ka codsanaynaa in laga daayo iminka tan maanta oo kale dhacday,waxaanan mar labaad ku celinayaa cidii waday ,hawshaa maanta foosha xumayd ee dhacdayna ka danbaysay, in ay joojiso ,miiska wada
hadalkana ay ku noqoto, wixii ay tabanayaan lagu noqdo ayaan hadalkaygii ku soo gabo gabaynayaa.”
Marka laga yimaaddo isu-soo-baxa uu ka hadlay Suldaanku oo lagaga horjeeday qaabka ay ku salaysan tahay magacaabista xukuumadda cusub ee Somaliland, waxa isna isla shalay ka dhacay Borama isu-soo-bax kaas ka horjeeda oo lagu taageersanyahay magacaabista xukuumadda iyo habka ay u dhisan tahay dhinaca saami-qaybsiga

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes