Sabti, 24 July, 2010 (Idhanka) – Aqoonyahannada Gobollada Bay iyo Bakool ayaa cambaareeyay falal ay Puntland uga musaafurinayso deegaannada ay ka taliso dhalinyarada kasoo jeeda Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan ammaan xumada ka jirta Boosaaso.
Guddoomiyaha Golaha Aqoonyahannada Bay iyo Bakool Prof. Ibraahim Muuse Heerow ayaa ku tilmaamay falalkaas kuwo muujinayo nacaybka loo qabo dadka kasoo jeeda Gobollada Koonfurta Soomaaliya, isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole.
“Maamulka Puntland wuu ku fududaaday tarxiilka dhallinyarada kasoo jeedda Gobollada Koonfur, ammaandarrada jirtana waxaa ka dambeeya dadka u dhashay Gobolladaas” ayuu yiri Prof. Heerow oo sheegay in dhallinyarada Koonfurta ay Puntland u tageen ammaan.
Prof. Heerow ayaa sheegay in hadallo uu dhawaan Madaxweyne Faroole ka jeediyay warbaahinta ay ahaayeen kuwo dhaawac u geysanaya Midnimada Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadalladaas ay ahaayeen kuwo uu ka xishoodo qof aqoon leh ama mas’uul ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya inay iyagu ka dambeeyaan falalka ammaan-darro ee ka jira Puntland, waxaana sidoo kale wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay inay Puntland ku sugan tahay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Boqolaal dhallinyaro ah oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu qabqabtay degmada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ay dhawaanahan ka socdeen falal ammaan xumo, kuwasoo loosoo musaafuriyay Gobollada Koonfureed
Source Hol
















Posted in 





