Aadan Cadihii labaad Ee Soomaalida

Ugu horayn Waxa aan u hambalyaynayaa shacabka reer somaliland sidii nabadgalyada iyo nidaamka ku dhisnayd ee ay u codeeyeen doorashadii madaxtooyada. Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa gudiga doorashooyinka
Qaranka sidii quruxda badnayd ee ay u maamuleen isuguna dubarideen doorashada, waxaanan leeyahay taariikhda ayaa idin xusi oonta. Waxa kale oo hambalyo mudan sadexda xisbi qaran qaabkii fiicanaa ee ay doorashadii u galeen iyo waliba ogolaanshohooda natiijadii ka soo baxday doorashadaas .
 
Waxa aan qalinka uqaatay, in aan turjumo shucuurtayda ku aadan xaalada manta ee Somaliland. Taas oo aan ku sumadayn doono taariikhda uu reebay madaxwayne rayaale, talo iyo tusaalayna aan usoo jeedin doono madaxwaynaha cusub.
 
 Hadaba kuma soo koobi karno waxqabadkii madaxwayne rayaale maqaalkan, laakiin waxaan kahadli doonaa oo kaliya hirgalintii dimuquraadiyada, taasoo ah ta ay Somaliland kaga quruxbadan tahay somaali inteeda kale. sida aynu ogsoonahay doorashadii madaxtooyada ee ugu horaysay ee dalka ka dacda waxa hirgalyay madaxwayne daahir rayaale kaahin, iyadoo ka horna uu qabtay doorashadii degaanka ee dhashay sadexda xisbi qaran  kuwasoo u dhacay si xor iyo xalaal ah. Waxa kale oo arin layaable ahayd in uu ku qabtay dorashooyinkaas sideed bilood gudahood oo ahayd mudadii xilkiisa.
 
Waxa taas xigtay oo uu qabtay doorashadii parlamanka oo iyana u dhacday si ay mucaarad iyo muxaafadba raali ku noqdeen . Isagoo  Waliba dhexdhexaadin kagalay xaliyayna khilaafkii cuslaa ee ku yimid parlamankii la doortay oo ahaa sidii ay u magacaabi lahaayeen shirgudoonka parlamanka. Taas oo kadanbaysay kadib markii uu mucaaradku isku shubtay, qaatayna
dhamaanba shir gudoonkii parlamanka. Iyada oo markaa muxaafadkuna ku andacoonayeen in aan si dastuurka waafaqsan loo magacaabin. Kadib waxa uu madaxwayne rayaale qaatay go’aan uu ku tanaasulayay, kuna ogolaaday sidii ay u dhacday magacaabistaasi .
 
 Waxa kale oo uu hirgaliyay markii uu horaysay diiwaan galin iyo kaadh bixin, taas oo faa’iidooyinka ay leedahay la soo koobi karin, ta ugu wayni se ay tahay in doorashooyinka lagu galo si xalaal ah oo cidina awood u lahayn in ay ku shubato.
 
 Ugu danbayn waxa uu qabtay madaxwayne rayaale doorashadii madaxtinimo ee ugu danbaysay ee lagaga guulaystay. Hadaba layaab kuma noqon dadka reer Somaliland qabashada doorashadani oo waa arin looga baratay. Waxa se fajac ku noqotay waa tan xilwareejinta uu ku balanqaaday. Arintaas  oo aan soomaali daayoo Africa aan looga baran. Waana ta aan ugu tilmaamay “aadan cadihii labaad ee dadka soomaaliyeed”.
 
 Qaybta labaad ee qoraalkaygan, Waxa aan hambayo u dirayaa madaxwaynaha cusub mudane siilaanyo guusha balaadhan ee uu ka helay doorashadii laqabtay. Waxana ilaahay uga baryayaa in uu lagarab galo hawsha culus ee loo igmaday, noqdana kii ku guulaysta.
 
 Waxa aan jeclaystay in aan ku tusaaleeyo maxawaynaha la doortay laba arimood. Waa ta koobaad ee in uu noqdo madaxwayne u dhaxeeya dadka reer Somaliland  kii doortay iyo kii aan dooranba. Islamarkaasna uu iska ilaaliyo in uu ku saleeyo qaybinta dawlada iyo maamulka sidii uu codka gobolada uga kala helay. Taas oo xisbiga kulmiye hore ugu saleeyay markii uu magacaabayay golaha dhexe ee xisbigaas.
 
 Arinta labaad waxa jirta waxyaabo badan oo dadka reer Somaliland ka talaabsadeen oo ay ka gudbeen, sida jabhadihii hab beeleedka ku dhisnaa, taasoo beelaha qaarkood ka taban jireen xadgudub jabhada beesha dhexe. Hadaba waxa aan uga digayaa madaxwaynaha la doortay in uu umada dib ugu celiyo wakhtigaas ay ka soo gudbeen. Taas oo hadii ay dhacdo keeni karta burbur iyo in diblooxasuusto naburo hore oo la iska iloobay. Takale waxay sii fogayn doontaa dadka daga gobolada bariga oo marka la eego ku kala qaybsan diidmada nidaamka Somaliland, keeni kartana  in ay ku midayso diidmadaas.
       
 Gunaanadkii waxa aan shacbiga Somaliland kula talinayaa inay sidii ay udoorteen maamulkan ula sheqeeyaan kulana xisaabtamaan waxqabadkiisa.
 
Qalinkii C/fataax  xaaji  daauud  warsame.
Islamabad, Pakistan.
Cabdifataax83@hotmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player