Arbaco, June 09, 2010 (Idhanka) ? Tahriibayaal Soomaali ah oo laga badbaadiyay badda dalka Musambiik ayaa ka warbixiyay sababihii keenay in qaar iyaga la socday ay ku dhintaan badda, kuwo kalena la waayo.
Gabar lagu magacaabo Foos oo ka mid ahayd 30-qof oo ka badbaadday doonida ayaa sheegtay inay kasoo raaceen Magaalada Mombassa ee dalka Kenya bishii hore ayna kooxihii waday doonida u sheegeen in la gaaray xeebta ayna dagaan sidaana ay ku dageen dadka dhintay.
“Markii ay dageen 9-kii qof ee ugu horreeyay oo 8-qof oo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali iyo qof
Itoobiyaan ah ayaa waxaa la dareemay in meesha aysan xeeb ahayn, markaas kaddibna kooxihii doonida watay waxay bilaabeen inay dadka xoog kaga dajiyaan doonida” ayay tiri Foos oo la hadlaysay Idaacadaha Muqdisho.
Sidoo kale Foos waxay sheegtay in doonida ay ku saarnaayeen 74-qof oo isugu jira Rag iyo Dumar ayna ku socdeen dalka Koonfur Afrika, iyagoo marin ka dhiganaya dalka Musambiik, intoodii badbaadayna ay xiran yihiin.
Booliiska dalka Musambiik ayaa sheegay inay maqan yihiin dad badan oo doonida la socday ayna baadigoobkooda ku howlan yihiin, iyadoo dadkii la badbaadiyay ay ciidamadu sheegeen inay xabsiyo ku hayaan.
Tahriibayaal badan oo Soomaali ah oo u socda dalka Koonfur Afrika ayaa sii mara dalka Musambiik, waxaana badda dalka Musambiik ay ka mid noqonaysaa badaha ay ku dhintaan dadka Soomaalida ah ee tahriibka ku socda.
Soomaali badan ayaa horay ugu dhintay badaha dalalka Libya, Yemen iyo Turkey, iyagoo kusii socda dalalka Yurub iyo Khaliijka Carabta, iyadoo dalalkaas ay ku sugan yihiin dad badan oo doonaya inay ka talaabaan badahaas.
Source-Hol
















Posted in 





