Sixirlow Sacbaa kaa mudane diiday sawdkaaga
June 14 – (Idhanka)-Waa tix gabaya oo uu Madaxwayne Rayaale kaga jawaabayo hadalo deelqaafa oo nin layidhaa Dr Cumar uu kula kufay Madaxwaynaha ninkaasi oo maanso afaraya websityada kulmiye Awdal u diray. Waxana ka mid ahaa erayada uu halqabsiga ka dhigatay ninkaassi (Sawdkayga Maqal Daahirow Seegtay Marinkiiye) Daahirna waxa uu kaga jawaabay erayadaa maanso kooban oo la yidhaa (sixir ) erayadeedana ay ka mid yihiin (Sixirow Sacbaa Kaa Mudane Diiday Sawdkaaga) hadaba tixdii(sixir ) oo maadaaba Rayaale uu ku mashquulsanyahay ol-olaha doorashada uu u soo dhiibay Cabdale Farax Sigad waatane akhris wacan.
Cumarow Sagsaag iyo sirtaad maaganayd saaka soo helaye
Salsalooga samaroonimadu waa sawaxankiine
Hadaad tolnimo saafiya wadaan ima suldaarteene
Markaan sooryada la cuni badhkiin ima sumeeyeene
Safar kuma maqniye arlida waan ku suganuune
Sixirlow Sacbaa kaa mudane diiday sawdkaaga
Abidkiinba taariikh siloon baad ragyahaw suuqa marisaane
Sacadiintu waa meel sabooloo cidna sooryayne
Hadaan suuq u helay waxay ahayd inaad igu salaantaane
Soomalidaan libinta bixin oo waa siday tahaye
Sinyartiyo kuwaan sahdiga lahayn baad sasabataane
Sixirlow Sacbaa kaa mudane diiday sawdkaaga
Sikhiraada ficil la isku siro saban lasoo dhaafye
Samaroon haduu seef watuu sugi amaankiisa
Sacabada maqaban oo anigu sooma ma aan odhane
Hadaad saadiyo tihiin niman ficilku saaqaayo
Aakiyo sanjeexaad sidaan biyo ma siidayne
Ilfisada sunteedaad aniga ila sugaysaane
Sixirlow Sacbaa kaa mudane diiday sawdkaaga
Sanka jeexan waa laga simoo sumadu waa beene
Anigoo sargaalkii dalkaad ninkale sacab u miistaane
Xidhiidhkiina seeraha ka baxay ee bari guntii saaran
Xinka waad ka sinmantihiin dhamaan reer sahwiyayoowe
Sobobtiina waan wada ogoo nacayb surmiya weeyaane
Sixirlow Sacbaa kaa mudane diiday sawdkaaga
Sooyaalka taariikhda kama sahwiyo sobob la,aanteede
Selel waxan u bixin sobobta daayeere
Surgimaha an xidhina ragbaa galin suxuladoodiye
Samihii la diidaan u diri samada guudkeeda
Oo ninkaan aniga footkii isiin arlida waa inaan kasaariye
Sabankani waxbaan kala sifayn oo saaxigaa xigaye
Ninkaan saajin ii noqoninow siliga waydaaro.
Cabdale FaraX Sigad
















Posted in 





