Shan Damboo UDUB ah, Shay La Diido Miyaa? – By Cabdullahi Sh. Cali Ayanle

Siilaanyo, R EAGAN ma aha; Rayaalena, CARTER ma aha. Tartankii jagada madaxweyne nimada ee dalkan Maraykan ayaa waxa dood isku soo hor fadhiista Jimmy Carter iyo Ronald Reagan sanadkii 1980-kii. Carter wuxu markaa  ahaa madaxweynihii talada dalka hayey, Reagana waa gudoomiyihii gobolka California. Gebo gebadii dooda ayaa hal su’aal ah oo uu Reagan soo tuuray, ayaa noqotay tii uu ku dhaliyey goolkii weynaa ee ay guushu ku raacday.
 
Su’aasha uu weydiiyey waxay ahayd: “Are you better off than you were four years ago?” oo macneheedu tahay “Ma dhaantaa (maanta) afar sano ka hor sidaad ahayd?”  Xaalada markaa uu dalku ku sugnaa ayaa ahayd mid aan fiicnayn- gudo iyo dibadba:  Dhaqaalaha dalku hoos u caarid buu kujiray; inflation-ku korbuu u kacsanaa; Shaqo la’aan badan baa jirtay; Iran-na koox dhalinyaro ah oo taageersanayd Aayatulihii dalka qabsaday, ayaa 52 ruux  ka qafaashay safaaradii Maraykanka ee Tehran, waxayna markaa haysteen mudo hal sano ku dhawaad ah; iyo arimo kaloo badan ayaa Carter horyaalay.
 
Akhristow! hadii maanta Md Siilaanyo ama Md Faysal uu weydiin lahaa Madaxweyne Rayaale isla su’aashaa lafteeda – marka halka afarta layidhi uun shan  lagadhigo – ma waxay idinla tahay in Rayaale jawaabta uu ku margan lahaa, mise isagoo dhoola cadaynaya ayuu jawaab-waafi ah, oo macnaysan, miiska soo dhigi lahaa? Maalintii u horeysay ee la bilaabay ololaha doorashada, ayuu Rayaale ka akhriyey khayriyada Hargeysa, waxqabadkii xukuumada iyo horumarkii laga gaadhay oo dhinac walba leh. Iyadoo qoraal ah, waxan filayaa koley in aad horeyba uga hesheen shabakadaha dalkee , kaan helinow! Harowo.com ka eeg.
 
Sida aynu wada ogsoonahay, shantii sano ee u dambaysay Somaliland, ILaahay mahadi haka gaadhee wax badan baa u qabsoomay, inta dawladu sheeganayso maahee inta dadku gaarka u leeyihiin (private sector) ee horumar ah ayaa iyana ah mid aan qiyaas lagu keeni karayn. Wax lahaystana nabad gelyaa ugu weyn. Somaaliland maanta onkod roob mooyee onkod rasaaseed ka mayeedho. Inta ilmo dhashay xudunta laga jarayo, iyo inta xarun cusub xadhiga laga jarayaana way is tiro le’egtahay. WAANA ILAAHAY MAHADII. 
 
Mucaaridkuse wanaag oo dhan way dafiraan. Waxase is weydiin leh, miyaanay markaa caqiido ahaan, aanay dambaabayn. ilayn suurada ‘waduxaa’ ee Qur’aanka keriimka ah ayaa ku dhamaata ‘nimcatu Rabbika faxadith’  oo ina faraysa in nimcada ILaahay kusiiyo la sheego, la weriyo, lagana mahad celiyo.  Maxayse mucaaridku weriyaan: in jab iyo hoog iyo halaag dalka uu ka jiro. Waxaana arintooda lagu soo koobi karaa, “Mucaarid xasad laga waayey, waa saabuun xoor laga waayay” ee weligiinba xumbeeya.
 
Murti: “Doorasho waa malin, Dalkuse waa abidkii. Doorashada awgeedna, dalka yaan lagu waayin”
 
Somaliduna waxay ku maahmaahdaa,”Wiil wuxu hiilin leeyahay, maalintaad hooyadii doonaysid”. anna aan kudaree,”Dalna wuxu hiilin leeyahay, maalintaad madixiisa dooraysid” ee war hooy ka fiirsada! ka fiirsada! ka fiirsada! oo aad uga fiirsada!!!
 
Madadaalo:  Daf iyo Dawladnimoba Booramey ku dhasheen. Dafka (Cabdi-Sinimo), Dawladnimo (waa JSL).  hadii aynu yar jaleecno xagii kaba-cada, heestii la odhanjiray ‘jawhar-iyo-luula’ ee ay sameeyeen Xj. Dabshid iyo Xuseen Madar, inagoo laxanka ka yara amaahaneyna, bal aan qaadno qoraalka soosocda:
 
 
            laba cashaa inooga hadhee,
libtii laba casha, inooga hadhee;
dadyohow laamiday, sasii liga oo;
labiskii wacnaa, ku laafyoodoo;
dabeed lulala, laama wada qoyan dheh.
 
jawhar iyo luuleey;
waa jacaylkaa yee;
UDUB ilwaad quruxeey;
Alla janooy, aawadaa ma jiifsado ey
 
 
 
Dhammaan waad salaamantihiin.  
 
 
                                   ku codeeya caafimaad san

By Abdullahi Ayanle

Dls, taxes

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player