Puntland oo Gobol Cusub u Magacawday Bariga Sanaag

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud ayaa maanta qoraal kasoo baxay xafiiskiisa uu ku magacaabay gobol Haylaan oo ka mid noqonaaya gobolada Puntland.

Wareegtada Madaxweynaha Puntland ayaa lambarkeedu ahayd 49 soona baxday 20/06/2010 waxaan wareegtada lagu xusay markuu arkay Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad Iyo kiisa 7aad farqadiisa 1aad ee Dastuurka DGPL,markuu la tashaday Wasiirka arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Waxaa uu xeeriyay In uu Magacaabo Gobalka Haylaan.

Gobolkaan ayaa magaalo madaxdiisa ay noqon doonta degmada Dhahar,waxaana wareegtada Madaxweynaha lagu sheegay in degmooyinka gobolkaasi uu dib kasoo magacaabi doono.

Ma ahaan markii ugu horeysay oo la magacaabo gobolka Haylaan,waxaana gobolkaas horey u magacaabay Madaxweynihi hore ee Puntland Jenraal Maxamuud Muuse Xirsi Cadde

Source-Bnn

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player