Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Kulmiye Waxa La Moodayey Mise Wuxuu Noqday Mise Waxaan Loo Noqondoonin? !!!

June 25, 2010 By: Idhanka Category: News, OPINION

Marka hore waxaan salaamayaa umada xorta ah ee xalaasha ah ee reer Somaliland. Kuwaas oo abtirsiinta qudha ee ay maanta u baahan yihiin tahay iyaga oo ku abtirsada Qaranka Somaliland, laakiin aan u baahneyn in ay beelo iyo xaafado isku qeybiyaan sida Odey Siilaanyo iyo Xisbigiisu ay rabaan, si loogu codeeyo tolaayeey yaa xaafadayda aheey.
Marka xigana waxa aan salaamayaa saxaafada Somaliland inta aan ka shaqeyn qeybinta umada Somaliland, xilka qaranka ay u hayaana u gudta sida ugu haboon ee dalka iyo dadkaba wax tari karta. Bacda salaam waxa aan u soo jeediniyaa dhamaan umada Somaliland in ay Illaashadaan Nabad Gelyadooda oo cid kasta dani ugu jirto iyo in ay dhowraan midnimada, Qaranimada iyo walaaltinimada umada Somaliland. Sidaas baa kuligeenba dani ugu jirtaa. Ninkii Illaahay u qoray ayuun baa heli doona doorashada inagu soo fool leh ee mudo saacada ah gudahood loo dareeri doono.
Hadaan u soo dhaadhaco dulucda qormadan yar ee gaaban iyo sababta igu kaliftay oo daba socota labada wasiir ee xilkii ay qaranka iyo umada u hayeen ka doorbiday, gacan haadin beelaysan. Qarankii ay u dhaarteen iyo weliba sida qaawan ee markiiba ay ugu biireen Ururka Kulmiye oo aan la odhan karin waa Xisbi Qaran. Ayaandara kale ee jirtaa waxay tahay, marka aad deristo habka uu ku doonayo Kursiga ugu mudan Qaranka Somaliland Musharaxa Ururka Kulmiye (waa Siilaanyo), oo hab beeleedkii aan ka soo guuray dib inoogu celinaysa. Waxa gef weyn ku ah umada Somaliland, in Xisbi loo aqoonsaday in uu yahay 3da Xisbi Qaran ee ku soo baxay doorashadii dawlada hoose ee hore, in uu maanta u xuubsiibto Ururnimo ku salaysan reerka uu ka soo jeedo Siilaanyo, taas oo casilaad Xisbiga u keenaysa. Waxaanay taasi ku kalifidoontaa Kulmiye in dad badan oo u haystay in ay mabda iskugu yimaadeen dadka ay ku wada jireen Xisbigii Kulmiye ee u saqiirey Urur Beeleedka. Urur Beeleednimada aan laba qarsanaynin oo si cad rag badan oo weligood isku mabda aan noqonin, iskugu yimaadaan Ururka Kulmiye dhamaantood, iyaga oo waxa qudha ee ka dhexeeyaana yahay Beesha ay ka soo wada jeedaan.
Inta aydaan ka boodin runta ay qormadani taabatay waxa aad isweydiisaan mabda ay iskugu iman karaan Siilaanyo, Saleebaan Gaal, Buur Madoow, Muj. Maxamed Kaahin, Labadii wasiir ee iscasilay dhawaan, iyo qaar kaloo badan muxuu yahay, oon ka ahayn Beesha ay dhamaantood ka soo wada jeedaan? Goorma ayey Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo isku mabda noqdeen? Miyaanu Saleebaan Gaal ahayn ninkii doorashadii hore ku dhaarsanaa in aanu Siilaanyo soo bixin? Ka hor shirkii beesha ee Gar-Adag, raga aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badanba waa la ogaa sidii ay u kala fogaayeen, laakiin hada la’ogaayoo reerka waa xiligiisiiye, nin reerka ah oo ka horyimaadaana yaanu jirin baa go’aankii shirkaasi ka soo baxay noqday, sida inoo muuqata hada. Su’aasha aan rabo in aan weydiiyo umada Somaliland waxay tahay, ma go’aan aanan ogeyn baa jira, oo wareegto beelaysan Kursiga ugu mudan Qaranka Somaliland in aan ku qaybsano aan isla meeldhignay? Hadii taasi dhab tahay, beesha doorka danbe u lihi waa ayo, aan iska dhaafno doorashada iyo wareerkeeda oo u hibayno hadaba? Maxaa dadka been loogu sheegayaa, oo loo lee yahay Somaliland waxay qaadatay mabda odhanaya “Qof Kasta Oo Muwaadin Ahi Wuxuu Xaq U Leeyahay In La Doorto Oo Isna Wax Doorankaro”?
Waxa hubaal ah in aaanay jirin meel lagu heshiiyey in Kursigu yahay meerto ama wareegto. Maalinba Xaafad ka mid ah beelaha Somaliland ay Qaban Doonto Madaxweynenimada Somaliland. Laakiin sida aan anigu u fahmay tahay, markii Marxuun Cigaal uu sameeyey sharciga odhanaya 3 Xisbi Qaran wax ka badan Qaranka Somaliland ma qaadi karo, in macnaha ka danbeeyaa ahaa in Qabiiladu kala galaan 3da Xisbi Qaran. Taas oo macnaheedu yahay, intii isku mabda ahiba ha gasho Xisbiga ay mabda’iisa Siyaasadeed u arkaan in ay isku afkaar yihiin. Iyada oo aan loo eegayn, waa ayo qofka uga ordaya Xisbigan Madaxweyne nimada. Waayo hadii aan arintu sidaa ahayn, doorashadii hore Mudane Madaxweyne Riyaale kuma soo baxeen oo waxa ka helilahaa labada nin ee kale oo ka soo jeeda beesha dhexe ee Somaliland. Markaa hadii Qabiil aan wax ku dooranayno, waxa hubaal ah in uu Feysal noqon lahaa madaxweynaha Somaliland maanta. Hadii hadaba qabiil wax lagu dooranaya, waa ninka ugu dhow kursiga. Laakiin waxa aan isku raacnay, kii aan moodayno danta dalka iyo dadka in uu wado in aan codkeena siino. Waana ta uu ku soo noqonayo Mudane Madaxweyne Riyaale mar kale.
Maxay taasi u dhacday hadii aan isweydiino; jawaabtu waa labada nin ee uu hore uuga soo bediyey, oo wax cusub aan soo bandhigin, marka laga reebo nin markii hore la moodayey in uu yahay hogaamiye xisbi oo hada noqday hogaamiye beeleed, waa Siilaanyo’e. Iyo nin waxa qudha ee uu soo kordhiyey tahay, waxa aan wax ku xukumayaa diinta iyo shareecada Islaamka. Waxa aad isweydiisaan, ka hor ISBUUCII ina dhaafay, goorma ayaad ka maqasheen Feysal Cali Waraabe, waxaan dalka ku xukumayaa shareecada Islaamka? Maxaa hore looga maqliwaayey hadii ay ka dhab tahay? Mase ogtihiin in Xisbigiisu la walaal yahay xisbiga Sooshaliiska ee Yurub iyo Iskandaneefiyanka? Shucuurta u taal Xisbigiisa iyo kuwooda hadii aad isbarbardhigtaan, waxaad ogaandoontaa in ay isku mid yihiin. Waxa kale oo aad ogaan doontaa, in diin wax lagu xukumo in aanay shucuurtooda ku jirin. Markaa waxa aan ku qiyaasay uun hadalka Feysal “Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskay” iyo wax kasta oo uu ku helli karo Kursiga ugu mudan Qaranka Somaliland in uu odhan doono, hadii uu isleeyahay codbaad ku helikartaa. Markaa nin kolba meesha uu isleeyahay dabaysha xagaagu way u dhacaysaa, malagu aamini karaa Qaranka Somaliland? Waxa la yidhi “Meyd maxaa u danbeeyey, iyo waa kaa la sii sido”. Waad ogeydeen maalintii dhaweyd ee uu Madaxweeynuhu ku tegay Ceerigaabo Diyaarada, Feysal wuxuu ku eedeynayey Madaxweynaha in uu jabiyey sharcigii anshaxa doorashada, laakiin maalintii u danbaysay isu soo baxa doorashada, waxaad wada ogtihiin in uu Feysal Diyaarad Khaasa ku maray meelo badan. Su’aasha aad u baahan tihiin in aad isweydiisaan waxay tahay, Feysal Kee baad u dooranaysaan Madaxweynenimada Somaliland?
Sidaa si la mid ah waxa wanaagsan in aan isweydiino, nin Qarankii Somaliland Qabiilkiisu kala weyn yahay (Waa Siilaanyo’e) ma lagu aamini karaa Qaranka Somaliland? Hore ayaa loo yidhi “Reer Madoorto Madaxweyne, Laakiin Beelaha Isku Tagay Ee Ku Midoobay Somaliland Baa Dooran Kara Madaxweyne”. Waxa uu reerku doortaa ama dooran karaa waa Caaqil, Jiif Caaqil, Suldaan, Ugaas, Garaad iyo Madaxdhaqameed kaliya. Laakiin Qaran dhan ayaa doorta Madaxweyne. Siilaanyo helimaayo haduu u ordo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, iska daa in uu xilka Madaxweynaha Somaliland  qabtee. Taariikhda guunka ah ee Siilaanyo dib u raac, waxaanad ogaandoontaa, in uu yahay nin ku qadhaabta shayga Qabiilka layidhaahdo. Min aasaaskii shirkada Dahabshiil iyo xoolihii loo soo ururiyey ururkii SNM ha noqoto, ee uu ku aasaasay shirkadaa hanoqoto. Dhaawacii SNM ee laka xulanayey ha noqoto. Dawladii Cabdiraxmaan Tuur IHUN oo uu qabiil kaga soo horjeestay ha noqoto. Iyo qaar kale oo badan oo aan maqaalkan oo kaliya lagu soo koobi karin.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan gaaban; laba isku helimayno hadii aan nahay umada Somaliland, Qabiil iyo Qaran. Hadii Qaranka iyo horumarkiisa ladoonayno waa in aan Mudane Madaxweyne Riyaale ku diidnaa wax qabad, laakiin waa in aynaan ku diidin Qabiil ka uu ka soo jeedo iyo gobolka uu ku dhashay labadaba. Hadii labada nin la sharaxan aan dooranaynana waa in aynaan ku dooran qabiilka ay ka soo jeedaan, laakiin waa in aan isweydiino maxay dalkan u qaban karaan? Hadaba ha iska qiiroonina oo Qabiil wax ha ku dooranine’e isweydiiya, dalkan iyo dantiisa kuma ayey ku jirtaa 3da nin ee codkiina ku tartamaya? Ugu danbayn “Codkiinu Yuu Ciil Idinku Noqon” Aad Ka Qoomamootaan Beri Ka Maalin. Imika ayey gacantiina ku jirtaaye, kala doorta Qabiil iyo Qaranka Somaliland?
Waxaan Illaahay inooga baryayaa in doorashadu ku dhamaato nabad gelyo. Guul baanan u rajeyn dadka iyo dalka Somaliland. Ictiraafkii Illaahay iyo Keeniiba hore ayaan u helay, laakiin kii caalamka inuu doorkan yimaado ayaan inoo rajeynayaa Insha Allaahu Tacaalaa.
 
Wabilaahi Tawfiiq
Warsame Yussuf Ducaale
warsameducaale@gmail.com

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole