HAMBALYO AY DIRAYNAA GUDIGA XISBIGA UDUB EE TENNESSEE MAGAALADA NASHVILLE OLOLAHA DOORASHOOYINKA KA BILOWDAY S/LAND AWGEED

Dhamaan Gudiga iyo xubnaha kala duwan ee xisbiga udub ee gobolka Tennessee, magaalo madaxdiisa Nashville iyo nawaaxigeeda waxay
Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan xisbiga talad haya oo bilaabay ololihiisii doorashada. dhamaan xubnihiisa kala duwan oo ka soo qayb
galay kulan looga arinsanayay dardar gelinta xisbiga iyo taageerada loo muujinayo gudo iyo dibadba kulankan oo ay ka soo qayb galeen
madaxda xisbiga ee nashville Gudoomiye Eng: Abdirazak yassin mohamed iyo ku xigeenkiisa Xassan xaji ismail.
Waxaa uu gudoomiyahu ku talax tegay sidii laysugu duubnaan lahaa wadankana ay doorasho xalaal ahi uga dhici lahayd oo aan
mad madow ku jirin iyadoo xisbiga udub mar walba diyaar u yahay sidii loo gaadhi lahaa midaa qof walbaana codkiisa ugu ciil bixi lahaa
hadaba gudigu waxay gunta ka xariiqeen in aan marnaba xisbiga udub laga helayn waayo waxay qeexeen hormarka iyo nabada uu gaadhsiiyay
wadanka taas oo daliil ay u tahay  lowyacdo ilaa tukeraq in s/land gebi ahaan nabad ku daaqayso iyadoo ay dheerayd hadalada laga soo
jeediyay halkaas taageerayaasha oo aad ubadan awgeed ayaa waxaa iyana qaadatay hadalka faadumo aw nuur oo hadalo qiiro leh ka jeedisay
tidhina waxaad hambalyo iga gaadhsiisaan madaxda xisbiga iyo ducaba waxaa iyana tix buraanbura oo guubaabo ah ka soo jeedisay
maryan ali jama kuna amaantay intii uu xisbigu talada hayay horuumarkuu gaadhay.
 
  
 
Waxaa taageerayaashu ay aad aga soo qayab galeen si aanad malaysan karin dadweynihii taageerada balaadhan u hayay xisbiguna dhamaan waxay ku qaylinayeen
guusha udub baa leh yaa kale iyo erayo badan oo kale. taageerayaasha halkaa isugu yimid ayaa lagu qiyaasayay ilaa 300 oo qof una badnaa dhalinyaro iyo bulshada
qaybaheeda kala duwan ugu danbayn waxaan mahad u celinaynaa qaban qaabiyayaashii iyo dhalintii isku soo duba riday.
Hassn cige   xubi firfir coon
Cismaan aw ali (shiine)
Jaamac Biindhe (laangadhe)
Mohamed Faarax Abdi
Daahir geele Yuusuf
Abdiweli Jaamac (Dheereeye)
Khadar Abdi Abdillahi (Waraabe)
Saleebaan Kediye Qarsame
Deeqa Abdi Suleemaan
Khadra Xiis Kulane
Nimco Jama Caalin
Macalin Xuseen Yusuf
iyo qaar kale oo badan dhamaan way mahadsan yihiin
Qore Eng:Abdirazak Yassin Mohamed

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player