Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso

Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso 

Dr. Suleiman Walhad 

Magaca Eebe ayaa aan ku unkay. Allaha weyn ayaa aan cuskaday, Nabigeenana waa aan ku salliyay. Allahayaw noo dabacsanaw, naxariistaadana noo idmee, cadaawahana ha noo jebin. Allahayaw ha na hoojin oo hoodahayaga ha naga xumayn. Allahayaw, tacabkayaga ha naga tabaalayn oo ha naga khasaarin, naxariistaadana, Allahayaw, ha naga qadin. 

Xamaasadu way fiican tahay, waase inuu caqligu xakameeyo. In la is xiniyo, waxa ay ka mid tahay kaabiyada nolosha, waxase daran xinka xasadku uu ku jiro. Waqtibaa la soo gallay, labaduba ay dalka, ay ka jiraan. 

Waxa lagama maarmaana, intii caqligu weli uu ku hadhay, in ay dadka ay wacdiyaan oo ay toosiyaan oo ay tilmaamaan, intii karaankooda. Wixii kale Allaha Weyn ayaa loo dayni. Waxa aanu leenahay, dadyohow, nala garta tartanka iyo astaamihiisa wanaagasan iyo kuwiisa xun. 

Marka hore tartan waxa lagu gala gole nabadeed. Tartanka laguma galo gole colaadeed. Colaadi haddii ay jirto, nololina ma ay jirto. Dhib iyo hoog, qax iyo macaluul iyo waxyaabaha kale ee ka dhasha colaada ayaa lala kulmaa. 

Gole nabadeed ayaa laga helaa ama uu ka dhacaa tartan wanaagsani. Tartanku, waxa uu noqon karaa tartan ciyaareed, tartan heeseed, tartan siyaasadeed iyo tartano kale oo aadamaha hadi iyo jeer u dhexeeya ama ay aloosaan. 

Ujeedada qoraalkani, waxa uu u jahaysan yahay tartanka siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxa aanu leenahay ayaan loo qaadan tartankan in meesha lagu kala tegayo. Doqoni waxa ay moodaa, ayaa la yidhi, meel lagu tartamay in lagu kala tegay. 

Waxa aad nala garataan, in uu yahay tartan xalaala oo tusaale u ah Somalida dunida iyo Afrikada sideedaba oo uusan ka dhicin tartan xalaala oo siyaasadeed sida ka dalkeena ka dhacay iyo kan ka socdaba. 

Waxa aad nala garataan in aad horyaal aad u tihiin Somalinimada  wanaagsan. Waxa aad ogaataan in magaca Somali marka lagu soo qaado saaxadaha dunida, in dalkeenu u yahay tilmaan wacan oo wanaagsan.  

Waxa aad nala garataan in Dalkeenu uu yahay meesha keliya ee caqliga iyo garaadku ku hadhay geyiga Somaliyeed. Meelaha kale ee Somaliyeed oo dhan, weli lagama baran in wax kasta oo kale inta la iska dhigo siyaasad iyo ururo lagu tartamo. Dadyowga Somaliyeed ee aan ahayn kuweena, weli xoog ayaa la isku muquuniyaa ama xoog ayaa la isku xukumaa. 
 
 

Astaantaa fiican, waxa aanu jecelahay inaa aad sii wadaan oo doorashan socota ay weliba sii xoojiso. Waxa aanu idn leenahay, dadyohow: 

Tartan xalaala gala

Tartan xin iyo xasad lahayn gala

Tartan dalka wax u soo kordhiya gala

Tartan aan lagu kala tegayn gala

Tartan dadnimada Somalida ka turjuma gala

Tartan wanaageena muujiya gala

Tartan danteena fuliya gala 

Kollay tartankan urur ayaa rayn. Macnuhu ma aha in kuwa laga badiyay, khasaarana ayay galeen. Waxa aad ogaataan in ay tao-wadaaga ay wax u tareen. Tartan, haddii la galo, cid ayuun baa rayn. Gari laba nin kama wada qosliso, sidoo kale tartan laba kama wada farxiyo. Hase yeeshee, kuwa laga badiyay, iayana waa ay guulaysteen oo waxa ay wax u tareen talo-wadaaga 

Tartankaa la gallay ayaa sidiisaba waxtara. Dalka iyo dadkaba isaga ayaan astaan fiican u ah. Waryaan dheesha siyaasadeed xumo aan loo rogin. Talada kollay kii Allaha Weyni u qoray ayaa heli. Isaga ayaynu ugu wada ducayn. Inteena kalena, doorka dambe ayaynu sugi. Dunidu waa giraantaa wareegaysa. Nimba waa maalintiis. 

Sidaa aynu isla ogaano. Dab iyo dhibo ayaynaan hurinin. Kala teg iyo isku dir ayaynaan abaabulin. Cidna dan uma aha. Ayaynaan ilaawin dabaylaha iyo dabka ka shidan hareeraha. Ilaahayaw iyagana dabkaa ka demi. Haddii lagaa badiyo, markaaga dambe sug oo nabad ku sug.

Dr Suleiman Walhad

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player