Farriin Ku Socota Dadwaynaha Reer Awdal Iyo Salal

Scw/ halkan waxan doonayaa inaan kala hadlo dadka ku nool awdal iyo salal iyo dadka ka soo jeeda labadaa gobol ee dalka dibaddiisa ku nool. 
gaarahaan dadka ummadda wixii fiican gaadhsiini kara sida saxaafadda iyo culimada  diinta,      ,salaadiinta, iyo weliba odayaasha dhaqanka,

haddaan u soo laabto murtida hadalkaygan,  doorasho ayaa ka dhici doonta somaliland  haddii rabbi yidhaahdo, waxan ilaahay ka baryayaa inuu khayrkeedana inna siiyo sharkeeda ina dhaafiyo (aammiin) (aammiin) (aammiin)  haddaba doorashadani way ka buuq iyo qaylo badan tahay marka loo eego kuwii hore ee dhulka ka dhacay,  waxana kollay ugu wacan waxyaabo jira oo aan cidina beenin karin, waana laga dareensanyahay dhulka somaliland oo dhan bari iyo galbeedba, iyo weliba inta dalka ka maqan meelkasta oo ay joogaanba,

haddaba danta guud ee waddanka iyo danaha shaqsi nimo ee kuraasta u cararaaya in la laka door bido ayaa habboon, lana raaco danta dalka, wixii dhibaato ummadda u keenayana laga dig-toonaado,  beenta siyaasiyiinta iyo kuwa u durmaan tumayana layska hubiyo, hore ayaa beenta siyaasiyiinta loo bartay kuwa hadda maamulka haya iyo kuwa haarraadan ee meesha u socdaaba waxay u cararayaan danahooda gaarka ah dhaqaale ahaan iyo kursi jacayl labadaba, haddaba dadweyna reer awdal iyo salal kursigaa loo tartamaayo way arkeen faa,iido iyo qasaareba wuxuu lahaa, intii ay somaliland jirtayna kursiga madaxwayne iyaga ayaa loo tiriyaa, su,aashu waxay tahay muxuu kursigaasi ku soo kordhiyay awdal iyo salal? kuwa kale ee kiisha cusub soo toshayna maxay keeni doonaan? kiishkaasi cusubi intuu buuxsami doono ayaa wakhti qaadani doonta,!!!

ujeedadaydu maaha xisbiga talada haya doorta balse waxa weeyi  danta guud ee ummadu waa isku mid ama lawyo caddo joog ama laascaanood joog, danta siyaasiguna waa dan gaara.
hadalada la rabo in dadka lagu soo jiito si  codka bulshada loo marin habaabiyo ee lagaga dhawaaqayo idaacadaha iyo meelaha layskugu yimaaddo waa mid aan habboonayn, murtidii iyo gabagadii waxan leehay reer awdal iyo salal  hadallada lagu kala qaybinaayo bulshada ee magaca qabiilka la isticmaalayaa danta ummadda maaha, waana dano shaqsiyadeed oo weliba kooban,

siyaasi shar iyo dhib wata ilaahay ayaan ka magan gallay
wa billaahi tawfiiq 

Cabdiraxman Muse Barre

Dallas,Txs, USA

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player