Faraska Asalka Ahi Gadaal Ayuu Ka Ad-adkaadaa” Xog. Arimaha Debedda UDUB

Faraska Asalka Ahi Gadaal Ayuu Ka Ad-adkaadaa” Xog. Arimaha Debedda UDUB.

maxamed Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer SL gaar ahaan madaxda iyo taageerayaasha xisbiga UDUB oo ilaa hadda wacdaro ka muujiyaya fagaarayaasha la isugu soo boxo ee dalka. Waxa si cad u muuqata hoos u dhaca maalinba maalinta ka dambaysa laga dareemi karo taageerayaasha axsaabta mucaaradka iyo wacdaraha midiba mid ka darantahay ee taageerayaasha udub maalinba maalinta ka dambaysa soo ban dhigayaan. Waxaad moodaa taageerayaasha UDUB inay ku tala galeen inay maalinba maalinta ka dambaysa mid tii horeba lagu ilaawo soo ban dhigaan. Maah maah afcarabi ah ayaa macnaheedu ahaa “faraska aslaka ahi gadaal ayuu ka ad-adkaadaa”.

Marka labaad waxaan shacabka reer SL xasuusinayaa maaalintii doorashada waxa inaga xiga waa wiig hadii Alle qadaro. Xisbiga UDUB wuxuu aqoonsan yahay inuu ilaalinayo wadan dib u dhiskiisa laga soo bilaabay  ZERO maantana wershedaha iyo jaamacaduhu magaalo walba ku yaalaan.

* Xisbiga UDUB wuxuu higsanaynaa meel marinta qadiyadii ay u baabe’een caasimadihii dalekeenu ee kumanaanku u nafwaayeen oo meel fiican u maraysa.

* Xisbiga UDUB wuxuu agsoonyahay inuu ilaalinayo Nabad Alle inagu galaday, dedaal badanna inagu joogta oo aynu ku liibaanay.

* Xisbiga UDUB wuxuu aqoonsanyahay oo ilaalinyaa wixii aynu dhisanay oo dawladnimo, dal iyo dadba leh.

* Xisbiga UDUB wuxuu ogyahay inay  inagu xeeranyihiin dagaalo iyo xasilooni darro khatar weyn inagu haysa.

* Xisbiga UDUB wuxuu agyahay inaynu  leenahay  cadow badan oo jiritaanka iyo horumarka SL ka xun.

*Xisbiga UDUB wuxuu ogyahay in cadwgeenu inoo maleegayaa dabino badan.

Maalinta 26-June waxaynu u dareeraynaa doorashadii. Xisbiga UDUB wuxuu  ogyahay in maalintaa waxa banka la soo dhigayo ee la tijaabinayaa ay tahay:

ASALNIMADA Dawladnimadeena
ASALNIMADA Nabada aynu haysano
ASALNIMADA Horumarka aynu gaadhanay iyo xadaaradda ilaashanaysa.
ASALNIMADA Aqoonta, garashada, dhaqanka iyo diinta aynu dugsanayno.
ASALNIMADA wadaninimadeena.

Waxaynu kala dooranaynaa sadex musharax oo Midkood, waa madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaalee, uu ogyahay wax kastoo qaaliya oo aynu haysano sida; Dawladnimada, Nabada, horumarka, xasiloonida, IWM iyo qiimaha ay inagu joogto oo ka werweraya ilaalinteeda oo ay u muuqato wadada loo marayo adkaynteeda iyo dhamaystirkeeda, halka labada kalena aanay haba yaraatee aqoonsanayn in dalkeena wax u qabsoomay oo uu haysto oo qiime ku fadhiyaaba uu jiro.

Waxaynu kala dooranaynaa sadex musharax oo Midkood, waa madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaalee, uu sideed sanadood qadiyadii citiraafka raadkeeda gurayay oo maanta laydhkeedii u muuqdo, iyo labada Musharax ee kale oo aaminsan inay Zero ka soo bilaabayaan oo biyo col-dhaanshay ka dhigaaya wixii sideedaa sanadood xidhiidho la sameeyay.

Waxaynu kala dooranaynaa sadex musharax oo Midkood, waa madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaalee, uu khibrad dheer u leeyahay tabaha cadwga SL  iyo dabinada la inala doonayo,  halka labada musharax ee kale aad moodo inay sahashanayaan ama aanay kaba warqabin khataraha inagu xeeran.

Waxaynu kala dooranaynaa laba wado oo midi tahay Wado cad oo toobiye ah oo aynu sideed sanadood haynay, guushii aynu higsanaynayna laydhkeedii horteena ka muuqdo, iyo wadada mucaaradku ku yeedhayaan oo ah wado aan ahayn dhamaystirka tii aynu sideeda sano soo haynay. Mucaaradku waxay ku yeedhayaan  waddo cusub oo aanay muuqan waxa inaga horeeyaa, waa jiho cusub oo ambasho iyo amaan darro u dhow.

Waxaynu kala dooranaynaa sadex musharax oo Midkood, waa madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaalee ay cadawga SL aad u necebyihiin oo xataa qasriga madaxtooyada lagu weeraray halaka labada musharax ee kale ay dad badan oon aan SL ogolayni leeyihiin reer somalilandow doorta.

Hadaba Muwaadinka qaaliga ahow maalinta 26-Jun ma waxaad u danayn dalka iyo dadka reer SL oo waxaad doorandoontaa hogaamiye sugi kara; Dawladnimada SL,  nabada, xasiloonida  iyo horumarka SL oo waxaad ka nixin doontaa cadawga SL?
 
Mise waxaad u danayn doontaa shakhsi ama koox kursi raadis ah oo waxaad khatar gelin doontaa mustaqbalkaaga iyo  mustaqbalka dalkaaga?

Muwaadinka qaaliga ahow u danee dalka iyo dadkaaga oo codkaaga sii xisbiga hoodaale UDUB, ha ku halayn cidkale ee adigu codkaaga sii UDUB.

Allaa mahadleh Guushana UDUB ayaa leh insha Allah.

Maxamed C/llahi Ciise (M. Dheere)

Xoghayaha Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB.

Email: maxamed67@hotmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player