Codkaaga Ku Ciilbax

Codkaaga Ku Ciilbax 

Dr. Suleiman Walhad 
 

Magaca Eebe ayaa aan ku unkay. Allaha weyn ayaa aan cuskaday, Nabigeenana waa aan ku salliyay. Allahayaw noo dabacsanaw, naxariistaadana noo idmee, cadaawahana ha noo jebin. Allahayaw ha na hoojin oo hoodahayaga ha naga xumayn. Allahayaw, tacabkayaga ha naga tabaalayn oo ha naga khasaarin, naxariistaadana ha naga qadin. 

Dadyohow, sida aad u ogtihiin, waxa la gallay waqti sidiisa u baraakaysan oo aan fududayn. Hareereheena wax aan inoo dan ahayn ayaa ka soo handada. Gudahana, waxa ka jira waxa cadaawuhu ka faaiidaysan karo. Sharkooda, Allahayaw, hareeahayaga mari oo danta guud ee dadkaagan soo dabaal. 

Waa masuuliyad weyn codayntu. Mustaqbalkaaga ayaad codaynaysaa oo waxa aad siinaysaa cid kale. Waxa aad leedahay kan ama koo aan u codeynayo ayaa dantayda u foojignaan oo tayda daryeeli, oo ta shacbiweynahana daryeeli. 

Dantu markaa maxay noqon kartaa? Ma dan qolo ayay noqon kartaa? Ma dan shakhsiyeed ayay noqon kartaa? Ma dan kooxeed ayay noqon kartaa? Mise dan qaran ayay noqon kartaa? Intubase maxaa ay yihiin? 

Dan shakhsiyeed uma baahna inaan fasiro. Waa qof dan gaara doonaya oo cid kale aysan waxba ka gelin. Inta badan, waa qof, qofka uu doranayo wax u ballan qaaday, lacag ha noqoto ama mansab ama wax kaleba. 

Danta Qolo, sida ay tilmaamayso, waa dan qabiil. Waxa uu qofkaasi leeyahay qolooyinka kale ee dalka ila dega waxba igama gelin. Waxa aan danaynayaa qolodayda, come rain or shine. Qofka uu dooranayo, waxa dhici karta inuusan waxba ka ogayn qofkan qolada uu ku dooranayo amaba isaga ku soo dhaqaajiyay inuu qolo ahaan ugu codeeyo. 

Danta kooxeeda, waa dan gaara oo sida maafiyada dana gaar ah oo ay isla og yihiin leh. Inta badan waa koox wax qarsanaysa oo ama lacago ku lug leh ama ama siyaasad u gaara ama dano kale oo guracan Danahaas kooxeed, waxa laga yaabaa in ay xeerka dalka iyo sharicigaba ka soo horjeedaan. Waxayse ay ku dhexdhuuntaan xeerka sida codaynta waqtigan socota. Waa la dooran karaa, kuwa noocaasa, iyaga oo danta guud isku maldahay. 

Saddexdan danood, sida aad u arkaysaan, midna ma aha dana qaran oo dawlad iyo dad, midna kuma dhismaan. Ayaandaradase jirta waxa ay tahay, in siyaasiyiin badani ay saddexdaa danood ay ku shaqeeyaan. Waxa ay ka fog yihiin danta qaran. 

Danta qaran, hadaba, waa maxay? Danta qaran, waxa weeye dan ku dhisan xeer iyo iyo nidaam (law and order). Waxa u sala nabada. Haddii nabad la waayo, waxa aan la helayn waxa nolosha looga baahan yahay. Waxa ka mida waxa loo baahan yahay dugsiyo iyo xarumo waxbarasho, Waxa ka mida xaruma iyo daryeel caafimaad. Waxa ka mida jidad iyo tiirarka dhismaha nololeed ee ay ka id yihiin horumarka dhaqaalaha, warshadaynta, ganacsiga, isdhexgalka bulshada dalka iyo wada noolaanshahooda. 

Arrimahaa waxa lagu fulin karaa dan qaran ee laguma gaadho dan qabiil iyo dan shakhsiyeed iyo dan kooxeed midtoona. Dan qof waxay tiigsanaysaa dan gaara, danta kooxeedna, waxa ay tiigsnaysaa dan dad gaar ihi ay wataan, danta qabiilna waxa ay wadata dan qolo oo lehe anana waa markayagii, anana maxaan wax u xukumi waynay, ama siday qoladaasi wax u xukuntaa? Iyo waxyaabo la mida. 

Dadku inta badan ma gartaan kan qolada ku soo hawl geliyay inuusan dan ka lahayn, ama uusan fulin doonin waxalla waxa ay qabiiladu ay rabto. Awoodaa ma laha, mana yeelan doono. Runta ayaa timaada oo waxa lagama maarmaana inuu, doon ama diid, fuliyo dan guud, hase yeeshee ay ku jirto cagajiid iyo kadeed, dhib weyn u keenta bulshada guud ama marka dambe kaba hor yimaada danta dalka iyo dadka. 

Waxa dhici karta inuusan nolshaada waxba ka beddelin ama uu ku dhaqaaqo, waxyaabo hoos u dhigi karaa nolshaada ama filtaankaaga. Marka kursiga la gaadho, runta ayaa timaada. Kursigu waa kadeed, sida la moodayo, ma aha umana fududa. 

Waxa aanu idin odhan lahayn, dadyohow, codkiina ha ku khasaarinina dan qofeed ama dan kooxeed ama dan qabiil. Midna wax kugu soo kordhin maayaan. Tusaalayaal badan ayay leedahaye, idinku dib isugu noqda ilaa sooyaalo hore. 

Dadyohow, wax dooranayaa, waxa aanu idin leenahay, ha ku xiiqina dan qofeed ama dan kooxeed ama dan qabiil. Waxa aanu idin leenahay: 

Codkaaga ku ciil bax oo cadaalada iyo sharciga u codeeya.

Codkaaga ku ciilbax oo cadaawaha ooda ha ka furina

Codkaaga ku ciilbax oo cawaaqibxumo ha codaynina 

Codkaaga ku ciilbax oo cunsuri ha u codaynina

Codkaaga ku ciilbax oo qolo iyo qabiil ha u codaynina

Codkaaga ku ciilbax oo qolo nacayb ka ku codaynina 

Codkaaga ku ciilbax oo cadho shakhsiyeed ha ku codaynina

Codkaaga ku ciilbax oo nacaybe koox ha ku codaynina

Codkaaga ku ciilbax oo u quudhiwaa ha ku codaynina 

Codkaaga ku ciilbax oo danta guud u codeeya

Codkaaga ku ciilbax oo nabadda u codeeya

Codkaaga ku ciilbax oo dadka u naxariista 
 

Hadal nin yidhi ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tegine, intaa aan odhaahdan, ku soo xidho, Ilaahayna ha ina waafajiyo halka danta guud ay ku jirto. 
 
 Dr Suleiman Walahad.
 
 
 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player