Budhcad badeeda Soomaali ah oo goor hore oo maalinimadii shalay afduubtay Markab ganacsi oo kusoo wajahnaa xeebaha Berbera iyo Boosaaso ayaa si xoog ah looga soo furtay kadib markii ay ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ay ku baxeen soo furitaanka Markabkaasi.
Howl gallka lagu soo furtay Markabkaasi oo ah xiligan mid socda ayaa sida uu mid kamid ah Wakiilada Markabkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Abuuraas uu noo xaqiijiyay ay isku soo dhiibeen dhamaan Budhcadii saarnayd,iyadoona aan ilaa iyo hada la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee howl galkaasi ka dhashay.
C/qaadir Abuuraas oo la socda gaadiidka dagaalka ee loo diray howl galka ayaa sida uu noo sheegay ay jiraa rasaas ku socota,laakiinse uu noqday howl galkii mid ay ku guulaysteen
Markabka AQM oo ku gooshayay Calanka Panama ayaa kasoo shiraacday Deked ku taala Imaarada Dubai,iyadoona Markabkaasi oo siday 18,000 kiish oo sonkor ah uu ku wajahnaa Dekedaha Berbera iyo Boosaaso
Source-bnn
















Posted in 





