Beesha Subeer Awal Ka Weyn Xisbi Reer iyo Nin Iska Leeyihiin Oo La Yidhaa Way Ku Biirtay.!!! Suldaankana Hadaan Been Laga Sheegayn Waxaan Leeyahay Ha U Kala Eexan Dadka Aad Suldaanka U Tahay

Intiina danaysa Somaliland iyo maamulka mareegaha internet ka ee inoo suurto geliyey in aan fikirkeena ka dhiibano hadba wixii markaa taagan, waanan idin salaamay dhamaantiin. Marka xiga waxa aan Illaahay inooga baryayaa in uu doorashada inagu soo fooleh ee Madaxtooyada si nabad gelyo ah inagu dhaafiyo. Illaahay waxaan inooga baryayaa kii kheyr dalka iyo dadkaba uu ugu jiro iyo kii nabada ay Somaliland ku caano maashay ee aan waxyeelo inoo horseedidooni in uu ku guulaysato.
Hadii aan u daadago dulucda qormadan yar ee gaaban oo macnaha ka danbeeyaa yahay hadal aan deel qaaf u arkay oo la lee yahay Suldaan Beeleed baa laga soo tabiyey, taas oo ahayd hadal la lee yahay Suldaankii Guud Ee Habal Awal ayaa yidhi beeshu Kulmiye ayey ku biirtay iyo Siilaanyo ayaa UDUB iyo KULMIYE ba Madaxweyne u ah. Hadalkaas oo aanan hubin in uu run yahay, laakiin tabinta aad ka loo tebiyey darteed aan u arko in laga jawaabaa in ay tahay wax qasab ah. Waayo Suldaanku wuxuu Suldaan u yahay dhamaan kuwa ku loolamaya sadexda xisbi QARAN ee UDUB, KULMIYE, iyo UCID ee ka soo jeeda Beesha Subeer AWAL. Markaa in uu u kala hiiliyo raga isku beesha ah ee ku loolamaya siyaasada iyo dadweynaha taageersan ee ka soo jeeda BEESHABA. Waxa iyana waajib ah in laga wanaagsan yahay Madaxdhaqameed yada ku dhexmilmay siyaasada, oo aad moodo in ay ka leexdeen dariiqii uu dhaqanku ahaa. Waana ta sababtay in Sixir Barar ku dhaco Madaxdhaqameed kii aan umad ahaan hidaha u lahayn. Taas oo dhaxalka ugu horeeya ee laga helay tahay, umadii oo la jahawareeriyey, iyo nin hungiri u socda oo magaca reerka ku adeegsada in wakhtigan xaadirka ah ay noqotay wax aad u soo badanaya. Waxa kale oo ay dhashay, marka siyaasi kursi doonayo, oo uu ku adeegsado ama ku qadhaabto hadba kii reerka uu isleeyahay aad taageero ka heshid, oo nin isaga dantiisa u adeega uu ka soo kiraysto, isaga oo raba sawirka uu umada rabo in uu tuso ay tahay in taageero reer hebel uu ka haysto. Waa ayaan daro in sharaftii dhaqanka umada dano gaara lagu isticmaalo ama lagu fushado. Waxaan jecelahay in qormadani aanay marna ku socon Suldaanka aan carabaabey in ugu horey la fahmo, balse tahay waxa socda oo xumaanta ay xanbaarsan tahay in aan wax yar ka idhaado in aan jeclaystay, iyo in aan bulshada reer Somaliland ku baraarujiyo sida hada wax loo wadaa in aan dani inoogu jirin in ay iska fahmaan, sidaa darteed ayaa sharaxaada dheer igu kaliftay, laakiin cid gaar ah wax ku socda ma ah.
Xisbiyada aan samaysanay waxa aan moodayey in macnaha ka danbeeyaa ahayd in aan kaga guuro habkii Qabilka iyo Beelaha. Waxaan moodayey Marxuun Cigaal (IHUN) sababta uu 3 Xisbi in lakala raaco u go’aamiyey in ay ahayd in cidii fikir, mab’da, aragti, iyo siyaasad ahi in ay samaystaan URUR marka doorashada dawlada hoose socoto ee la tartamayo, dabadeedna 3 URUR ee ku guulaystaa, noqdaan xisbiyada qaranka ee doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Taas oo ku qasbaysa Ururadii aan soo bixin iyo madaxdoodii iyo taageerayashoodiiba in ay ku biiraan 3 dexda Urur ee loo aqoonsaday in ay yihiin Xisbiyo Qaran. Waxa hadaba ayaan dara ah, in xisbiga KULMIYE tartankiisii ka dhamaan waayey BEEL HEBLA oo ku soo biirtay KULMIYE. Goorma ayaa beesha la sheegayaa isu timid oo go’aan ku gaadhay in ay taageerayso xisbi gaara ama KULMIYE? Maxaa ku kalifay xisbiga in uu halheystiisa tartanka doorashadu noqoto laba arimood oo kaliya: 1) Hebel oo UDUB ka soo duday ama ka soo cadhooday (Markii Xil Laga Qaaday, Saluug, iwm) ayaa ku soo biiray xisiga Kulmiye? Ama Beel hebla oo ku soo biirtay Kulmiye? Maxaa ku dhacay waxa afka qalaad loogu yeedho “One Man One Vote” macnaheeduna yahay in Qof Kastaa Xaq U Lee Yahay in uu Codkiisa dhiibto “Shaqsi Kaliya Iyo Codkiisa”? Madaxweynaha ayaa laga hayaa “Raga Meesha Ordayaa waa kuwii Muj. Tuur (IHUN) uu eryey. Waa kuwii Marxuun Cigaal (IHUN) uu eryey iyo kuwaan eryey”. Macnaa Cadho Ururtay oo sida FULKAANAHA in ay qaraxdo u dhoow weeye raga mucaaridka iskugu tagay, ee codkiina ha siinina. Waxa hubaala in aanay tartanka ku gelin waxqabad muuqda oo ay dadka u sheegaan, laakiin taladoodii oo dhami iskugu soo biyo shubatay, Dumar iyo Caruur bassas kolba dhinac loogu guro, oo sawir taageero badan in ay meelkasta idiin joogto dadku ha idin moodaan taladoodii oo dhami noqotay. Waa ayaan daro in umada lafteedii la jahawareeriyey oo halkii ay kala xisaabtami lahaayeen 3 dexda nin ee ordaya, mid kastana ay u weydiinlahaayeen maxaad kaga duwan tahay ka kale; in ay iyagii Maaweelada Caruurta ee lagu madadaalinayo iskaga lumiyaan wakhtigoodii qaaliga ahaa iyo in shilimaad yar codkoodii lagaga iibsado. Macal Asaf; Qaranka iyo dhibtii loo soo maray, waxaad moodaa in dheeldheel iyo ciyaar loo turjumanayo. Waxaanay se dadkeenu ogeyn in codkaaga oo aad ugu shubto xisbiga ama shaqsiga aad jeceshahay sida lagu helaa aduunka badankiisa in ay adagtahay. Waana arin mudan in lagu hanbalyeeyo Mudane Madaxweyne Riyaale oo ah Soomaaligii ugu horeeyey ee hirgeliya 4 doorasho oo isdaba socda, iyada oo duruufo badan oo jira darteed carqalado badan aan kala kulanay doorashooyinkii tan ka horeeyey, laakiin aan ku guulaysanay in aan qabano oo weliba si nabad gelyo ah ay inoogu dhamaadaan, tan hada aan ku gudo jirana waxaan Illaaahay inooga baryayaa in si kafiican kuwii hore ay inoogu dhacdo. Waana waxyaabaha mucjisda ku noqotay aduunka oo dhan, Somaliland na ay ku mutaysatay sumcad wanaagsan iyo amaano badanba.
Waxaad wada ogtihiin in Siilaanyo ka soo horjeeday doorashadii loogu codeeyey gooni isu taaga Somaliland iyo Kanistatuushan ka Somaliland ba. Waxaad og tihiin in Siilaanyo ka soo horjeeday aasaaskii ururada hada isu bedelay xisbiya qaranka oo kiisu ka mid ka yahay. Waxaad ogtihiin in uu wakhtigii tuur yidhi dawladi majirto. Waxaad ogtihiin in uu ka soo horjeeday in ciidanka qaranku xuduudaha Somaliland ee Bariga in ay gaadhaan, isaga oo Mudane Madaxweyne Riyaale ku odhan jiray dhulkay beeshaydu degto dagaal ka ridimaysid. Waxaad wada ogtihiin in uu Siilaanyo hore ugu soo caano maalay wakhtigii halgankii qadhaadhee ee Somaliland dib loogu xoreeyey, habka uu hada ku dhaqmayo ee beelaha. Waxaad ogtihiin in uu ka mid ahaa ragii soo jeediyey in wadanka beelaha ugu badan kolba mid noqdo madaxweynaha Somaliland oo xil wareegta ah shirkii Boorame lagu soo dhiso, laakiin Marxuun Cigaal (IHUN) uu ka biyo diiday arintaas, tii Marxuun Cigaal (IHUN) ayaana meel martay. Waana ta maanta mar labaad u saamaxday in Siilaanyo u tartamo kursiga ugu mudan Somaliland. Waxaad ogtihiin in lacagtii loogu tala galay in dalka lagu xoreeyo in aanay Diridhaba soo dhaafi jirin xiligii Siilaanyo uu ahaa gudoomiyaha SNM ta. Mudadii uu xilka SNM hayeyna tafaraaruqii ugu weynaa iyo iska horimaadkii dheliyey dagaaladii sokeeye, kuligood ay ka soo unkameen markii Siilaanyo uu ahaa gudoomiyaha SNM. Waxaad wada ogtihiin markii xoreynta Somaliland loo dareeray, in uu Siilaanyo Bermingham, UK in uu u cararey, Muj. C/raxmaan Tuur (IHUN) oo mudo bila’ah xilka hayeyna uu suurto geliyey intii Siilaanyo uu sanadada ku fulin kariwaayey. Waa soo gelistii dalka iyo xoreyntii Somaliland oo suurta geshay intii xilka uu hayey Muj. C/Raxmaan Tuur (IHUN). Siilaanyo inta ku xeeranina waxa ay rabaan in TOLAAYEEY yaa reer hebelaay, in lagu doorto. Somaliland uma baahna in xil cid ugu dhiibto qabiil. Laakiin waxay u baahan tahay, qof QARAN ka halka uu hada joogo hore uuga sii wada. Siilaanyo waa ninkii magaaladiisa Burco oo dadkiisu isku dilayaan, oo labadii shalay xoreynta dalka meel uga soo wada joogay, oo uu arkayo in ay XABAD isku haystaan, aan mar qudha odhan waar ka daayaay? Taa macnaheedu miyaanu ahayn wuu taageersanaa dagaalkii dhiiga dadka walaalaha ah ee Burco wada dega bilaashka iyo doqoniimada loogu daadinayey? Ninka tolkii oo isdilaya kala dhexgelin oo aan waxna ka odhan, ma ninkaas baad rabtaan in aad QARAN ku aamintaan? Ninka rag xisbigiisa ku jira oo Marxuun Cigaal (IHUN) oo been cad ku aflagaadeeyey yidhina dagaaladii sokeeye ayuu Marxuun Cigaal (IHUN) ka danbeeyey? Waad wada ogtihiin in uu Marxuun Cigaal (IHUN) uu suurto geliyey doorashada uu Siilaanyo ku doonayo in uu madaxweyne dalka ku noqdo? Siilaanyo iyo afhayeenka xisbiga Kulmiye midna lagama hayo lama qabno oo hadalkaasi waa gef cidii tidhi baana ka masuula. Siilaanyo iyo xisbigiisu waa kuwa garan waayey dalku hal madaxweyne ayuu lee yahay, maalin dhaweyd oo Ismaaciil Faqash iska ciyaayey oo uu lahaa Madaxweyne Siilaanyo, waa dadka garan waayey doorashada aan sugno bal inaan ku guulaysano iyo in kale? Maxaa ku xeeray Siilaanyo rag qudbadahooda ay ka buuxdo Hanjabaad, Cadho, Ciil, Aargoosi, iwm.? “Timir Laf Baa Ku Jirta” dalka nimanka noocaas ah malagu aamin karaa in aan isweydiino baa haboon?
Waxaan ku soo gebogabeynayaa qormadan yaan la isku khaldin Qaranka Iyo Qabiilka? Inta aan taaganahay waa xiligayagii iyo Siilaanyo qasab buu ku fuulayaa kursiga, Qaran maynaan gaadhin. Qaranka Somaliland na taas waxaan qabaa in ay ku tahay gef iyo meel kadhac. Dhaxal maaha kursigu, ninkii Illaahay u qoray baana ku fadhiisanaya. Umada la kala fogeynayo halaga waantoobo. Oo umadani uma baahna wax qeybiya, ee waxay u baahan tahay siyaasi ka barya codkooda oo horumar iyo isku duubni u sheega oo taageero kaga raadsada iyo baryo codkiina i siiya ku yidhaa. “Codkiinu Yaanu Ciil Idinku Noqon” kana fiirsada cida aad codkiina siinaysaan “Inta Aydaan Falin Ka Fiirsada”. Hadii maamulka hada jira aad ku diidaan wax qabad yaraan, ha’ugu dhicina jar wax loogu magac daray ISBEDEL, laakiin macnaheedu yahay oo keliya hebel hebel ku bedel. Xageebay Taasi ina geyn kartaa beri kamaalin marka hebel kii aan ogeyn uu noqdo kaan moodaynay in uu isbedel inoo soo wado, laakiin inaga oo aan ka fiirsan aan codkeena ugu khasaarino magaca ISBEDEL oo aan iska jeclaanay, laakiin yaan bedelaynaa oo yaan ku bedelaynaa in aan isweeydiino baa inoo wanaagsan sidaan filayo anigu?
Dalka Somaliland Guul, Nabad, iyo Horumar ayaan Illaahay uuga rajeynayaa. Shicibkiisa xorta ah ee xalaasha ahna waxaan lee yahay isku duubnideena ayaa danteenu ku jirtaa. Mudane Riyaale intii Illaahay ugu tala galay ayuu joogi, halase isweydiiyo hadaladii qiirada xanbaarsanaa ee aan Itoobiya u qaadnay berigii dagaalkii in maanta lagu soo hal qabsado, sida “Dalka Soow Anigu Malihi”? Toloow yay ka leeyihin dalka marka ay sidaasi leeyihiin oo ay u jeedaan? Gabagebadii meel halooga soo wada jeesto cid kasta oo maseyrka umadan iyo qaranka Somaliland ba wax u dhimaysa ama ka hor imanaysa. Taas baa aakhirka kuligeenba dan inoogu jirtaa, ee taas ma wada illaashanaa? Hadii aan go’aansano in aan bedelo maamulka hada jira, waxa haboon in aan u codayno xisbiga kale iyo ninka kale ee Feysal oo xataa Siilaanyo hore u qiray in uu ka muwaadinsan yahay. Heeryada aad tuurayso waa in mid dhaanta aad ku bedelataa. Horumarka bili’aadamka ayaa sidaa dhigaya. Waxaad haysato wax dhaama mooyee in aanad wax ka liita aqbalin. Hadii kale taas macnaheedu waxa weeye dib u socod oo horumar lagu khaldo.
 
Qormadan Waxaa Qorey C/Rashiid Muhumed
Posted: Warsame Y. Ducaale
www.idhanka.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player