Xildhibaano Guurtida ka Tirsan oo Sharci-darro ku Tilmaamay Qorshaha Komishanku Wado ee u Diyaargarowga Doorashada

May 5, 2010

By staff-reporter

Hargeysa (Idhanka) 04 May 10– Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay qaabka komishanku u wado hawlaha u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada. 

Fadhigii Guurtida ee shalay oo uu hoggaaminayey Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa goluhu dood ka yeeshay arrimaha doorashada iyo doorka ay ku leeyihiin Golaha Guurtidu, waxaanay dhawr mudane oo ka qaybgalay shaki ka muujiyeen sharciyadda Guddiga Doorashooyinku ku maamulayaan doorashada ay doonayaan inay qabtaan, iyagoo si gaar ah u soo qaatay waqtiga ay u qabteen inay dhacdo oo ay tilmaameen inay baalmareen sidii sharcigu dhigayey.

Xidlhibaan Cabdilaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah mudanayaashii doodda ka qaybgalay waxa uu sheegay in golaha Guurtidu yahay gole sharci-dejineed oo meelmariya shuruucda dalka ee lagu dhaqmayo, balse sharciga Komishanku raacayaa aan golaha la horkeenin.

“Gole Guurti ahaan Sharci dejin baynu nahay, sharciga aynu dhignayna waynu ilaalinaa waxaan Gole ahaan idin weydiinayaa miyaa la inoo keenay xeerkii aynu wax-ka-beddelnay ee diiwaangelinta, ma la ina waydiistay in aynu wax-ka-beddelno haddaan intaaba la inoo keenin waxaynu ka sheekaynayo oo dhammi waa waxba kama jiraan. Shalay [dorraad] mudanayaal ayaa halkan ka halaa toban casho ayaa ka hadhay doorashadii madaxtooyada, tobankaa casho sharcigee sheegaya, sharciga ilaa ay na sii weydiistaan oo ilaa sidii kuwii hore oo aannu wax-ka-beddelno aanay soo codsan Komishanku doorasho la iska geliyaa ma jirto, xeerka diiwaangelinta qodobkiisa 10aad bulshadu waxa uu leeyahay laba bilood ka hor waa in natiijada sii dhejisnaadaan. Sidee bay June u sheegaa iyaga oo aan liisba meesha la keenin. Sharciga ilaa wax ka bedel lagu sameeyo oo Xeerkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo sida komishanku doonayo loo dhigin doorasho la iska galayaa ma jirto,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Sheekh.

Xildhibaanku waxa kale oo uu soo jeediyey in hawsha uu wado komishanku laga fikiro, haddii kale ay khatar ku tahay nabadgelyada dalka, waxaannu yidhi; “Kaadhadh cusub ayey soo sameeyeen, halkana waxaan ku hayaa kaadh nooc kale ah oo kuwii hore ah, maxay noo soo ogeysiin waayeen, dib aynu isugu noqono oo aynaan ka fikirin toban casho ayaa ka hadhay iyo beri ayaa la galayaa aan sharci ahayn, sharciga ma innaga ayaa sameyna, mise iyaga ayaa sameeya, arrintaasi dhibaato weyn ayey keenaysaa oo nabadgelyada ayey wax u dhimi kartaa, aynu ka fikirno oo arrintan ay wadaan nimanka odayaasha ahi meesha inoo fadhiyaa aynu hubsanno.”

Sidoo kale, Md. Maxamuud Xareed Rooble, ayaa doodiisa ku taageeray fikrada mudanaha ka horreeyey soo jeediyey, waxaannu ku bilaabay, “Sharcigu wuxuu leeyahay 45 cisho ka hor liiska codbixiyeyaasha waa in lagu dhejuiyaa si mudadaasi qofkii laga reebaa uu u dacwoodo oo loogu baadho, olalaha doorashaduna isna wuxuu sharcigu dhigayaa inuu socdo 45 cisho doorashadiina waxa la yidhi Bisha June ayay dhacaysaa sidee ayay arrintaasi isu qabanaysaa.”

Md. Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo ka mid ahaa mudanayaasha dooda ka qaybgalay ayaa isagu ku baaqay in Golaha Guurtidu ka qaybqaato wacyigelinta doorashada Madaxtooyada oo u kala baxaan gobollada iyo degmooyinka dalka, balse waxa uu dalbaday in Komishanka doorashooyinku siiyaan lacag ay ku fuliyaan hawshaasi.

“Waxa waajib ah in aynu wacyigelinta gobollada ka fulino oo aynu ummadda u bandhigno in ay si madaxbannaan u codeeyaan, waxaanan taageersannahay in loo yeedho Komishanka Doorashooyinka, si aynu xog uga helno.

Mudanayaal, waa inay Komishanku innaga bixiyaan lacagta wacyigelinta, waa in ayna ku jirtaa miisaaniyadeena,” ayuu yidhi Md. Gaaxnuug.

Waxa kale oo dooda ka qaybgalay Md. Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, Md. Cali Aadan Qalinle, Md. Maxamed Weli Warsame, Md. Xaashi Cabdi Shiil, Md. Saleebaan Garas Seed iyo Md. Siciid Jirde, kuwaas oo doodahoodu isku dhadhawaayeen, soona jeediyey in Golaha Guurtidu kaalin muuqata ka qaataan doorashada Madaxtooyada.

Haseyeeshee waxa fikradaas mudanuhu ku dalbaday lacagta naqdiyey Xildhibaan Maxamed-weli Warsame oo sheegay in wacyigelinta iyo ilaalinta nabadgelyadu tahay shaqada Golaha Guurtida, waxaannu yidhi; “Wacyigelinteenu waa mid ina saaran, maxaa keenay in aynu nidhaahno Komishanka lacag weydiino, shirguddoonkeena haddii aynu arrin u xil saarno dhammayn maayaan sidii aynu hore uga baranay, barnaamijiyadii hore loo galay ayaa weli laga sugayaa, Ceel-bardaale raggii loo diray wacyigelinta ilaa hadda way leeyihiin lacagtoodii. Anigu wacyigelinta doorashooyinka lacagtayda ayaan kaga shaqaynayaa.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Cali Aadan Qallinle ayaa soo jeediyey in aan komishanka lagu farogelin shaqadooda ay gacanta ku hayaan, isla markaana golayaasha Baarlamanku ku eekaadaan hawshooda sharci-dejinta.

Sidoo kale, waxa dooddaas ka qaybqaatay mudanayaasha kala ah Maxamed Weli Warsame, Xaashi Cabdi Shiil, Saleebaan Garas Seed iyo Siciid Jirde waxaanay dhamaantood soo jeediyeen in Guurtidu u kala baxaan gobolada dalka si shacbiga loo wacyigeliyo inay dhawraan nabadgelyada xiliga doorashada lagu gudo jiro iyo marka la soo saaro natiijadeeddaba.

Jamhuuriya
Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes