Hargeisa -Unugga wadaniyadda Somaliland ayaa Xalay ku Qabtay Hotel Maansoor xaflad balaadhan oo lagu xusayey Munaasibadda Sanadguurada 19aad ee ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshadii Xoriyada Somaliland ee 18-ka may.
Xafladdaasi oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda Xisbiyada Qaranka Somaliland, Maamulka iyo Xubnaha Unuga Wadaniyada Somaliland, Ardayda Dugsiyada Sarre ee Hargeisa, iyo Dhalinyaro aad u Tiro badan oo ku labisan Calanka Jamhuuriyada Somaliland.








Gudoomiyaha Unuga Wadaniyada Somaliland Sayid Ibraahin Axmed oo Furitaankii Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay Ujeedooyinkii loo aasaasay Unuga wadaniyada Somaliland iyo Waxyaabaha uu qabto oo uu xusay inay Ugu wayntahay Fahansiinta Dhalinyarada Somaliland wadaniyadu Waxa ay tahay, waxaa kale oo uu sheegay in fikirka Aasaaska unnugu Dhashay Qarixii hargeisa ka dhacay ka bacdi.

Gudomiyaha unugu waxa uu Aad ugu dheeraaday Wadaniyada iyo Qiimaha ay leedahay isaga sheegay inay Soo dhawaynayaa Seddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo mowqifkooda ay ka taaganyihiin jiritaanka Somaliland.
Waxaa kale oo uu intaaku daray in uu ururkoodu doonayo inay arkaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ilaa xisbiyada Somaliland oo ku midoobay isla markaana u istaagay hormarka iyo qadiyadda Somaliland.
Gudoomiye ku Xigeenka Unuga Wadaniyada Somaliland Khadar ibraahin C/laahi oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa Faahfaahin ka bixiyay Wadaniyada iyo Qiimaha ay ugu Fadhido umadda Reer Somaliland balse waxaa uu sheegay in aanay dadka badankiisu fahansanayn Wadaniyada iyo waxa ay tahay.
Gudoomiye ku Xigeenka Wadaniyadu waxa uu intaa ku daray inay maanta dalka Somaliland kusoo badanayaan dadka aanu dhalan Somaliland gaar ahaan Qoomiyadda Oramada oo maalinba maalinta ka danbeysa kagasoo badanaya Gudaha Somalilan iyagoo aan la garanayn sifaha ay marka hore kusoo galaan iyo waxa ku joogaan marka dambe toona., Waxaanu aad ugu dhiiri galiyey dadkii kasoo qaybgalay xafladdaasi iyo guud ahaanba umadda reer Somaliland inay ilaashadaa dalkooda hooyo haday noqon lahayd nadaafadda iyo si kale haday noqon lahayd labadaba.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay Talaabadii Madaxwayne Rayaale ku joojiyay Xuska 18-ka may ee laga Xusi jiray Somaliland, isaga oo Sheegay inay Badalkeedii ka heleen Xafladan Qiimaha Badan ee unuga Wadaniyadu soo qabanqaabiyeen, taasi oo uu ku tilmaamay inay kaba Wanaagsantahay Tii Madaxtooyada Lagu Qaban jiray.
Waxaa isaguna Madashaasi Hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax oo soo Dhaweeyay Dhalinyarada Unugga Wadaniyada Somaliland iyo kaalinta Fiican ee ay kaga Jiraan Bulshadda Somaliland, waxaa kale oo uu Xusay inay Xisbi ahaan Soo Dhawaynayaan Dhalinyaradaasi Sida Fiican u fikiraysa.

Cumar jaamac Waxa kale oo aad uga Hadlay Wadinayada iyo heerarkeeda kala duwan, waxaanu amaan usoo jeediyay Dhalinyarada reer Somaliland ee iskood isku xilqaamay, Wadankoodana wax uqabanaya.
Marwo Faadumo Siciid oo ka mid Aqoonyahanadda Reer Somaliland oo iyana madashaasi ka hadashay ayaa Sheegtay in Xooga intaa leeg ee Xalay Xafladaasi isugu yimi ay soo Abaabuleen Dhalinyarro aad u firfircoon, oo ay ku Tilmaantay inay Yihiin Geesiyaal u soo kacaya wadanka somaliland, Faadumo waxaya aad uga hadashay qiimaha wadaniyada.
Xafladan oo aan hore Nooceeda Loogu Qaban Hargeisa ayaa ahayd mid Si heersare ah loo soo Qabanqaabiyay, Dadwayne Tiro badan oo ku jeeni qaaran Calanka Somaliland ay ka soo qayb galeen, Waxaa Madasha lagu soo Bandhigay Ciyaaro kala Duwan oo ay Daadihinayeen Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Socsa oo ay horkacaysay Gudoomiyaha ururkaasi Khadra kaliil Cabdi, waxaa kale oo Madasha lagu soo bandhigay Riwaayad Loogu Magac Daray “Dhididkoo la huruu Dhulka hooyo Rabaa” Ruwaayadaasi oo ka Hadlaysay Qiimaha Wadaniyadu leedahay oo uu alifay Abwaan C/risaaq maxamed Muuse (Hirgal).
Waxaa isaguna Heeso Wadaniya Madashaasi ku soo Bandhigay Fanaanka Wayn ee Nuuradiin Axmed iimaan, kuwaasi oo uu kaga qayb qaadanayay Dabaal dega Sanadguurada 19aad ee Qaranimada Somaliland.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com

















Posted in 





