Wasiiradda Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Dalka Djibouti Oo Xaflad Sagootin Ugu Qabatay Hotel Sheraton Ciyaartowgii Xulka Gobolka Awdal, Qalabna Gudoonsiiyay

Bismilaahi Raxmani Raxiim

Wasiirada ciyaaraha iyo dalxiiska dalka djibooti MARWO HASNA BARKHAD DAUD ayaa  xalay u qabatay xaflad ay kusii sagootinayso ciyaartowga xulka gobolka awdal 


 Xafladaasi oo si heersare ah loo soo agaasimay kana dhacday hotelka wayn ee sheraton  xafladaasi waxaa ugu horayn lagu soo dhaweeyay gabayaaga da’da  yar  ee ree awdal abwaan  MAXAMED CISMAAN BUDIN oo isagu  ciyaartowga la socday  abwaan budin gabay ayuu ka tiriyay isugu jira amaan  tusaale iyo mahadnaq   dadkii xafladaasi kasoo qaybgalay ay aad ugu riyaaqeen gabaygaasi

Waxaa kale oo  xaflaadi ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta somaliland, gudoomiye ku xigeenka gobolka awdal mudane CABDI NUUR SUGAAL dhinaca  dalka djiboutina waxaa ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ,agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dalxiiska djibouti ugu danbayn waxaa lagu soo dhaweeyay microphoneka wasiirada ciyaaraha iyo dalxiiska djibouti marwo XASNA BARKHAD DAUD
 marwo xasna oo amaan u jeedisay ciyaartowga  xulka gobolka  awdal tidhina dalkan waa dalkiinii markastana diyaarbaan u nahay soo dhawayntiina 
 
Marwo Xasna waxya tidhi mustaqbalka  waan soo booqandoonaa  BORAMA taas oo dhalisay sawaxan iyo sacab faro badan
uga danbayntii marwo xasna waxay  gudoonsiisay ciyaartowga gobolka awdal qalab ciyareed oo isugu jira kubadaha footballka basketka iyo volleyga  waxa kaloo kamid ahaa qalabkaasi  shabagyo noockasta leh iyo brutaashyo koobab faro badan ka dibna sawiro xusuusa la gashay ciyaartogiii awdal
Xafladaasi xalay oo aad u farxad galisay ciyaartowga g awdal aadna ugu mahad naqay dhamaan dawlada djibouti wasiirada sportiga  marwo xasna iyo dhamaan dadkii ree djibouti aa aadka usoo dhaweeyay ciyaartowga 
 
 
Muhyadiin Gurey
Dallas Texas

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes