Wasaarada Hawlaha Guud oo Beenisay oo la iibiyey Dhulka Wasaarada Ciyaaraha Horteeda

 
 
 
Hargeysa (Idhanka)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdilaahi C/Salaan Sh. Cali Jawhar, ayaa beeniyey   in dawladu nin siisay dhulka u dhow Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xafiiska xisaabaadka guud, sida ay faafiyeen qaar ka mid ah saxaafada dalku.

Agaasimaha guud oo Galabta  xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in ninka la sheegay in la siiyey dhulkaasi uu sifo sharci darro ah lowdh dhagaxaan ah ku rogay dhulkaasi isagoo ku andacoonaya inuu dhisanayo dhulkaasi oo uu sheegtay in la siiyey.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in aanu jirin wax dhul ah oo la siiyey ninkaasi, waxaanu intaasi ku daray in arrintan looga jeeday in dadweynaha lagu kiciyo.

“Waxaanu u aragnaa in ninkaasi uu sifo tuugo ah ku doonayay in uu dhulkaasi dawlada si sharci darro ah u dhisto, waxbana mana jirto cid siisay dhulkaasi oo ah wajahadda wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xafiiska  hantidhawrka guud, waxaan leeyahay

 Wax ogolaansho ah oo dhulkaasi la xidhiidha oo aanu cid siinay ma jirto,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud.

Agaasimaha Hawlaha Guud wuxuu sheegay in ay ninkaasi oo la yidhaahdo Cabdilaahi Col-mooge ku dabo jiraan isla markaana sharciga horgeyn doonaan.

 

Source-qaranews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes