Waa been abuur in jabhada ONLF joogto Ceegaag,iyo dhamaan gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle

Written by Afnugaal   

Waxaa nala soo xidhiidhay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Buuhoodle(Cayn),iyaga oo ka cadhaysan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay daabacday shabakada wararka ee Somalifans,kadibna ay faafiyeen shabakado kale oo ay ka mid tahay Qarannews,iyo kuwo kaleba,waxayna odayaasha deegaankaasi oo shir arinkaas ka yeeshay ay si weyn u beeniyeen wararkaas.

Hadaba qoraalka odayaasha ayaa u qornaa sidan hoose:

Anaga oo ah odayaasha iyo waxgaradka degmada Ceegaag iyo guud ahaanba gobolka Buuhoodle,waxaan dadka soomaaliyeed iyo caalamkaba dhamaantiis u sheegaynaa in deegaankayagu uu yahay deegaan nabadeed,oo ka caagan jabhadaha hubaysan iyo dagaalada sokeeye,isla markaana aan marnaba odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi aanay raali ka ahayn in dhulkaas lagaga duulo dawladaha deriska la ah deegaankaas sida Itoobiya,isla markaana aanay jirin shakhsiyaad ama ciidamo ka tirsan ururka ONLF,ama mid kaleba oo ku sugan degmada Ceegaag iyo Buuhoodle-toona.

Degmada Ceegaag waxay leedahay odayaal iyo maamul ay samaysten dadka deegaanku,ciidan booliis ah oo ka hawlgala,iyo maamul dhamaystiran oo suga amniga iyo kala danbaynta deegaankaas,marnaba ma dhicin mana dhici doonto in jabhad saldhig ka samaysato degmada.

Hadaba waxaan ka codsnaynaa shabakadaha daabacay wararkaas been abuurka ah,inay cadeeyaan meesha ay wararka ka heleen,isla markaana ay la xidhiidhaan masuuliyinta degmada iyo kuwa ciidanka ee halkaas ku sugan,soona bandhigaan hadii ay hayaan cadayn arinkaas muujinaya,hadii kale ay ka saaraan qoraalada beenta ah ee ay qoreen shabakadaha Somalifans iyo Qarannews iyo kuwa kaleba,raali gelina ay ka bixiyaan wararkaas been abuurka ah,hada wixii ka danbeeyana ay iska ilaaliyaan inay qoraan warar been ah oo amniga iyo nabada deegaanadaas waxyeelaysa.

Guud ahaan Gobolka Buuhoodle iyo degmada Ceegaag waa dhulka ugu nabada badan deegaanada Soomaalida,waxaana weligeed jirey wadashaqayn ka dhaxaysa masuuliyiinta gobolkaas iyo maamulka deriska la ah ee Itoobiya,mashaqadii maalmihii la soo dhaafay dhacdayna waa tii ugu horeysey ee dhulkaas ka dhacda,arintaasna si fiican ayaa odayaasha iyo masuuliyiinta Itoobiya uga heshiiyeen,markaa in laga faa’iidaysto arinka meeshaas ka dhacay,oo la qoro warar been abuur ah,oo ujeedadoodu tahay in la isaga horkeeno shacabka Soomaaliyeed ee ilaahay dhulkaas ku abuuray iyo maamulka Itoobiya maaha mid aad faa’iido ka helaysaan aduun iyo aakhiraba.

Waxaa muhiim ah in qofka wax qoraya uu ka shaqeeyo wanaaga iyo isu soo dhoweynta dadka soomaaliyeed,balse aan la hurin colaadaha iyo dhibaatada umada haysata.

Waxaan filaynaa inay tixgelin doonaan codsigayaga shabakadahaasi,hadii kale waxaan ku khasbanahay inaan talaabo sharciga ah marno.

Hadii aad rabto inaad ogaato waxa ka jira degmada Ceegaag la xidhiidh odayaasha iyo saraakisha amniga ee degmada Ceegaag.

Hassan Dirie Jama.

Contact: xassand2000@yahoo.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player