Ururka Farmasiilayaasha Somaliland oo 25 Arday Tobabar la Xidhiidha HIV/AIDS Hargeysa ugu soo Xidhay

Gudomiyaha komishinak ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV/ AIDS Mr maxamed Xuseen Yuusuf , (Mu’wadinka) ayaa khamiistiidaraad shahadooyin gudoonsiyay 25 qof oo mudo 6 malimood ah tobabar uga socday magalada Hargeysa  tobabarkan oo loo furay halwadeenada caafimadka ee ka shaqeeya farmasiyada shaybadhada iyo xarumaha kale ee cafimadka lagu daryeelo ee casimada Hargeysa 

Tobabarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii hawl-waneenada u wacyi galin lahayeen  dadka la nool Cudurka dilaaga ah ee AIDS isla markaana ay u tilmameen qaabka ay ula noolaanayaan bulshada

Munaasibadan balaadhan oo loo sameyay  gababagadii tobabarka ayaa ay ka soo qabgaleen shaqsiyaad dorah oodhamaatoon ku dhex jira hawlahas la xidhiidha cafimaadka iyo daryeelka dadwaynaha ayaa waxaa  ugu horeen  hadal ka soo jediyay Gudomiyahay ururka (Pharmaceutical Association of Somaliland(PAS) Dr Maxamed Xaaji Daahir wuxuuna sheegay in ujeedada tobabarkani yahay sidii dadka caafimadka ka shaqeeya gaar ahaan kuwa ka hawlgala xarumaha  gaarka loo leeyahay  u wacyi galin lahayeen dadka la nool cudurka dilaaga ah ee AIDS, Madaama dadka farmasiiyada ka shaqeeya la kulmaan dadka xanuunka qaba is la markaana ay  awood u leeyihiin in ay si fudud u fahansiiyaan in dadka fayoow ayna ahayn cadawgooda

 Dr. Maxamed X. daahir wuxuu sheegay in barnmijkan ka cawisay laanta qaramada midoobay ee UNICEF Wuxuuna xusay in tobabaro noocan oo kale ah ururkoodu  uu ka qaban doono guud ahaan Somaliland,

Gudoomiyaha ururka PAS waxaa kale oo uu tilmaamay in tabarkani oo uu ka qayb qaadanayo Koomishinka ka hortaga AIDS-ka ee Qaranka (SOLNAC) Muhiimada lagu saarayo loogana danleyahay yareeenta faafinta cudurkan halista ah ee HIV/AIDS

waxa kale oo munasibada ka hadlay Cabdirashiid Xaashi oo ah sarkaal ugu sareeya Xafiiska AIDS – wuxuna ku dheeraaday kaalinta hawlwadeenadu  farmashilayaasha ku leeyihiin bad-baadada loona baahan yahay in ay door  fiican oo wax ku ool ah ka ciyaaraan badbaadinta iyo wacigalinta dadka la nool xanuunka  AIDS-ka.

Agaasimaha Guud ee Komishainka ka  hortaga HIV/AIDS ee Qaranka  (SOLNAC) Mr. Maxamed Xuseen Yuusuf  (Mu’adin) oo isna kalmado kooban ka yidhi Xaflada ayaa tilmaamay sida ay koomishin ahaan ugu faraxsan yihiin in dad gaadhaya 25 ruux oo ka shaqeeya xarmaha caafimada ee gaarka loo leeyahay isku bahaystaan sidii loo wacyi galin lahaa muwadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan kuwa uu haleelay HIV/ADIS-ku.

Mu’adin waxa uuu soo jeediyay farmashiilayasha in dadka qalabka ay ugu shaqeeyaan nadaafadiisa lana taliyaan dadka xaunuunka qab ee ugu imanaya xarumahaooda cafimaad waxaana balan qaaday in ay siin doonan tobabarka mid ka siisaeeya  mastqbalka hadii uu ilhay idhado  waaa iyagauan hal a gadkat wasiirka cafimadka somalilan axmed cali caseewe iyo saaraamiil kale 

Cabdirisaaq Sh. Cilmi Mixile

Source-Bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes