Shirkii lagaga hadlayey arimaha Soomaaliya ee Istanbuul,wadanka Turkiga oo saaka furmay

 
 Shir lagaga hadlayey arimaha Soomaaliya,sida amniga iyo dhaqaalaha ayaa saaka ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,shirkaas oo ay ka qayb galayaan madax ka tirsan maamulada Soomaalida,sida Puntland iyo dawlada ku-meel-gaadhka ah oo uu shirkaas uga qayb galayo madaxweyne Shariif Axmed.  

Dhanka maamulka Somaliland ayaa ka noqday hadalkii ay horay ku sheegeen inay shirkaa ka qayb galayaan,iyadoo ugu danbayntii shirkaas aanay ka qayb qaadn doonin,mana cada sababta ay somaliland shirkaas oo lagu marti qaaday uga qyab qaadan weydey.

Shirkaas ayaa waxa kaloo ka soo qayb galaya madaxa qaramada midoobay Ban Ki-moon,iyo madax badan oo ka kala imaanaysa caalamka oo dhan,waxaana shirkaasi socon doonaa mudo sadex maalmood ah.

Shirkaas ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo soomaaliya ku saabsan oo muhiim ah.

 Source-djiboutination

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes