Shirkadda Daallo oo Duulimaadyadeeda Dib u habayn ka dib bilaabay duulimaadyadeedii caadiga ahayd

  PDF Print E-mail
 
 
Hargeysa, (Idhanka)-Shirkadaha DIyaaradda ee Daallo Airlines ayaa dib u bilawday duulimaadyadeedii caadiga ahaa ka dib markii ay muddo dib habayn ku jirtay.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Daallo Airlines, xafiiskeeda magaalada Hargeysa, duulimaadkii ugu horeeyay waxa ay shirkadda Daallo 17-18 ku tagtay dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, waxaanay duulimaadyadeedeedii isku xidhka wadamada Geeska Afrika ee Somaliland, Djibouti Somalia  iyo dunida inteeda kale si rasmi ah u bilaabaysaa 3-da bisha June 2010, xilligaasi oo Insha Allaah ay dhammaanba adeeggii duulimaadyada ee Xamuulka (Cargo) iyo Rakaabka (Passangers) ay rasmi ahaan u bilaabmayaan.

Daalo2010

Shirkadda Daallo Airlines waa shirkadda ugu qadiimisan ee dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, isla markaana ka shaqaynaysay 20-kii Sannadood ee ugu dambeeyay.

Sida la ogyahay shirkaddu waxay qayb libaax ka qaadataa horumarka dhaqan dhaqaale ee bulshada wadamada Geeska Afrika.

Dadka ku dhaqan wadamada Geeska Afrika ayaa shirkadda Daallo Airlines u aqoonsan inay tahay diyaaradooda, iyada oo shirkaddu siiso duulimaadyo raaxo leh iyo qiimo jaban, isla markaana ay tigidhadeeda ka helaan dhammaanba gobolada iyo degmooyinka dalalka Geeska Afrika.

Shirkadda Daallo Airlines, Waxa wada aas-aasay Maxamed C/laahi Abusita iyo Maxamed Ibraahim Yaasiin ( Olad), waxaana shirkadda beryahanba ku socday in lagu sameeyo dib u habayn xagga maamulka iyo habaynta duulimaadyada, si ay shirkaddu uga jawaabto baahida safarada duulimaadyada Geeska Afrika ee ay shirkaddu ugu adeegayso bulshada Geeska Afrika.

Shirkadda Daallo ayaa kaalinta ugu mugga weyn ku leh, isla markaana ah shirkadda ay ugu jecel yihiin dadyawga wadamada Somaliland, Djibouti iyo Somalia, waxaanay dib habaynteeda cusubi waxay boodhka ka tumaysaa inay macaamiisheedu helaan adeegii duulimaadyada diyaaradda ee ay waayeen muddadii dib u habayntu socotay.

Source-qaranews
Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes