Miyay Adag Tahay Helitaanka Nin Kuu Qalma

hibo-abdi-kamil-small Haddaba, si aan arrintaan jawaab ugu helno bal arrimahaan aan fiirino. Tirakoobkii 2001, waxa lagu mujiyay in Soomalida ku dhaqan qurbaha in 46% rag yihiin halka 54% dumar yihiin. Baadhitaan badan oo lagu sameeyay,hadana sanadkii 2007waxaa lagu qiyaasay ragga Soomaliyeed in yihiin 38% halka dumarkana ka noqdeen 62%. Taa marka lagu daro raaga qayila iyo kuwa aan shaqeysan waxa ay muujinaysaa culeyska gabdhaha Soomaliyeed kala kulmi karaan inay helaan rag ay guursadaan.

Gutteng and Secord oo wax ka qora ka dan loo lagu sameeyay la badanaanshaha raga iyo dumarka waxa ay yirahdeen “Dumarka ku dhexnool bulsho dumarka ku badan yahay waxay dareemaan awood dari iyo qiimo daro kaga timaado bulshada.”

Labo arrimood ayaa sii cakiraaya culayska ka jira helitaanka qof ku haboon guursashada:

1 – dhaqanka Soomaliyeed ma dhiiri geliyo guursashada dad qalaad, xitaa marmarka qaarkood waxaan la oggolayn kala guursashada qabiilada qaarkood. Taa waxay keenaysaa in gabdhaha ku sii adkaato sidii ay u heli lahaayeen rag isku meel ay ka soo jeedaan oo dhaqan kara;

2 – Ragga Soomaliyeed oo cuqdo ka qaba gabdhaha waxbartay iyo kuwa muujiyo isku kalsoonaansho buuxda. Haddaba su’aasha waxay tahay xaas waxbaratay ma caqabad baa mise waa kaalmo dheeri ah oo ku soo biirtay qooyska?

Rag badan oo ka tirsan soomalida ayaa dibadaha ka soo guursado taana waxay sii yaraynaysaa oo ay sii murjinaysaa xaaladdii horay u jirtay oo ay gabdhaha Soomaaliyeed ay ku heli kari lahaayeen rag si xushmad leh u dhaqdo. Ku noolaanshaha dibadu  waxuu wax badan ka beddelay dhaqanka iyo qaab  dhaqanka guriga. Waxay raga wadamada kale u guur doonta ku doodaan inay dareemayaan inuu is-beddel ku yimid dumarka ku nool halkaan waqti dheer waxayna raggaasi sheegaan  inaysan dumarkaasi u jajabsanayn sida dumarka ku nool soomaliya.

Bal haddaba aan u jileecsano dhinaca kale oo ah inay gabdhaha ku doodayaan inaysan heli Karin rag u qalmo oo ay guursan karaan. Peter Hector, oo ah qoraha buuga la yiraahdo Love is no Guarantee, mar uu waydiiyay gabdhaha nooca uu noqonayo ninka ay jeclaan lahayeen in ay guursadaan waxay ku jawaabeen waa in uu noqdo: “nin aan is fahmayno, deggan, dhaqaalo ku filan haysta, hal abuurleh, kaftan yaqaana, akhiyaar ah, aan ka cabsanayn inuu muujisto jeceylkiisa, diyaar u ah inuu mas’uul qaado reerna dhaqdo. Intaa waxaa dheer in uu qurxan yahay, muuqaalkiisana fiican yahay.” Gabdhaha Soomaliyeed waxa ay ku sii darsan lahayeen waa in uu yahay nin diinta ku dhaqmo.

Haddaba, su’aasha meesha taalo ayaa ah rag noocan ah sidee lagu helayaa isla markaan imisa ayay qaadanaysaa in rag noocaan ah in la helo?

Gabdho ayaa ku dooda inaysan doonayn niman dhinac walba ka buuxa balse ay yar yahiin niman macquul ah oo dhaqda. Waagii hore waalidka ayaa isu dooni jiray labada is guursanayso balse xilliyadaan danbe labada doonaayo inay is-guursadaan iyaga ayaa iskeensada. Gaabdhaha qaar ayay ku adag tahay in ay la kulmaan rag gayaankooda ah. Goobaha waxbarashada, shaqada, iyo aroosyada ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay ku kulmaan dadka guurdoonka ah.

Inta badan gabdhaha diyaarka u ah inay guursadaan waa ay dhameeyeen waxbarasha sidaa daraadeed ma tagaan goobaha waxbarashada ama waxay sii wataan waxbarashadooda jamacadeed maadama mid u qalmo ayan helin taa ayaana keenaysa in jaamacadaha kula kulmaam rag sharuudo badan wato ama meelo kale u hanqal taagaya. Haddi aysan ku jirin waxbarasho waxaa dhici karto inay ka shaqeeyaan goobo ay ku yar yihiin rag Soomali ah oo guurdoon ah amaba aysan joogin. Aroosyada waxa ay ka mid ahaan jireen meelaha ugu badan oo ay ragga iyo dumarka ku kulmaan. , aroosyada hadda badanaa ragga iyo dumarka isma dhexgalaan sidii hore. Taana waxay sii yareysay in wiilasha iyo gabdhaha is bartaan.

Haddaba maxay tahay culayska ay dareensanyihiin gabdhaha soomaaliyeed ee ragu u sababyihiin.

Dhibta jirtaa waxay tahay gabdhaha soomaliyeed oo ka tiro batay ragii iyo ragii oo ka gaabshay kaalintoodii tusaale ahaan hada raga ku dhaqan wadanka gudihiisu badankoodu waxa ay ka fikiraan siday mijinta jaadka u soo heli lahaayeen halka ay gabdhuhuna ka fikiraan siday nin wanaagsan u heli lahaayee waxaan odhan karnaa runtii waa labo arimood oo aad u kala fog ,hadaba soomalida qurbo jooga ah ayaa waxay u qaybsamaan dhawr qaybood kuwo nolol maalmeed kooda la cadilan iyo kuwo hawadooda raacay waxay ka soo hadhay wax yar oo dantii garada hadaba  hadii ay gabdhiina ka badan yihiin ragii dadaalkii raga soomaaliyeedna gaabshay maxaa  xala u ah gabdhaha soomaaliyeed

1. Waa inay ka baxaan noloshii hore noqdaan gabdho aqoon leh

2.  U muujiyaan aqoontooda bulshada soomaaliyeed

3. Wacyi galiyeed korna u qaadaan waxbarashada haweenka

4. Tusaan raga anay la wadaagi karaa fikradaha ku saabsan danta guud

5. In ay tusaan in aqoonta loo siman ayahay dadka aan aaminsanayn iyagoo  tusaaya waxqabadkooda iyo dadaalkooda una soo bandhigaaya fikradooda dadwaynaha

hibo-abdi-kamil

By: Hibo Abdi Kamil (Pakistan)

Email: hibo1996@hotmail.com

Akhristow maqaalkani wa ka  jawaabtiisu saaka ku qornayd idhanka.com  . Markaa fadaln si sharafi ku jirto uga soo jawaab.haddaad wax afkaara ama hayso ama aad ku xoojinayso walaasheen mawduuceedda.

Fadalan ku soo hagaaji wixii fariin ah webmaster@idhanka.com Insha allahna waa nu soo dabici .

Waxa aan dhiiri galinayaa maqaaladda haweenku soo qoraan waayo bulshadeenu way u baahan tahay Gabdho wacyigga ka warama oo wax qora,Wabilahi tawfiiq.

Mahadsanidin

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player