MAQAAL KU SAABSAN CIIDANKA QARSOON(QURAANJADDA)

Hannaanka ay dhisaan maamullada Imbraadoriyaduhu, waxay yihiin kuwo ku caan baxay xoog iyo itaal. Urursanaanta ciidameed ayaa maamulladaas waxay siisaa sumcad uu xushmad kaga helo dadyowga kula dhaqan caalamka. Caadada ay maamulladaas ka mideysan yihiin waxaa kamid ah, in ay adeegsadaan ciidamo aanan dadkooda ahayn iyo dhaqaale aanan kiisa ahayn.
Eebaha boqorka ah, isaga oo ina baraya farqiga u dhexeeya ciidamadiisa iyo ciidamada Imbraadooriyadaha, wuxuu ina leeyahay, ma waxaa siman mid ciidankiisa isaga abuurtey iyo mid aanan ciidan abuuran karin. Waxaa jira qodob kaas raacsan oo ah, maadaama abuurka Eebe aan garasho lagu koobi karin, ciidamadiisana ogaal laguma koobi karo. Aayadda 31-aad, suuradda Al-Mudathir, waxay ku dhamaaneysaa ereyo macnahoodu yihiin sidan :
” Ciidamada Eebe, axad ogsoon ma jiro, aanan isaga ahayn “.
Qeybaha ciidamadaas waxaa kamid ah gaasaska Quraanjada. Kuwaas oo isugu xiran unugyo wegen ah. Cayayaankaas gibinka ah ee lug-duubka ku dul tukubaya dhulka oogadiisa, wuxuu kamid yahay bahallada Eebe inoo tilmaamay in aanu milicsano oo ka duruus qaadanno. Quraanjadu waxay leedahay midabyo iyo miisaan kala duwan ee u yeela muuqaal-baheed aan isku mid ahayn. Inkasta oo aanan la sheegi karin tirada guud, Quraanjada ku nool dhulka dushiisa, misana waxaa la rumeysan yahay, in ciidankaasi yahay noolaleyda muuqata middooda ugu tirada badan. Quraanjadu sida badan, isha aadamiga waxay qabataa marka iyada oo raxamo ah ay hayaamayso. Tirada jaadad-baheedka Quraanjadu waxay gaarayaan 20.000 oo bahood, kuwaas oo ku faafsan meel kasta oo dhulka oogadiisa ah. Waxaa la qiyaasaa, quraanjadu in ay tahay 20 % noolaleyda ku dhaqan dhulka oogadiisa. Waxay kamid tahay noolaleyda ku dhaqan nolol-bulshadeed urursanaanteedu ay sareyso.
 
Ciidanka Quraanjadu waxay leeyihiin maamul boqortooyo oo ku shaqeeya hannaan wanaagsan, kaas oo leh kala danbeyn iyo howl-qeybsi. Bulshada ciidanka  Quraanjadu, waxay isugu xiran yihiin qaab leh saldhigyo. Saldhig walba oo ay Quraanjadu leedahay waxaa u odey ah boqorad. Waxaa jira ciidan ah shaqaalihii saldhigga. Iyagu waxay matalayaan raxanta ugu fir-fircoon uguna tirada badan xubnaha saldhigga. Si joogto ah, waxay ugu howlan yihiin diyaarinta waxyaabaha looga baahan yahay saldhigga. Howlaha ay qabtaan waxaa kamid ah ururinta xubnaha saldhigga iyo u-diyaarinta raashinka, difaaca saldhigga, korriimada iyo tarbiyadda ilmaha qoysaska saldhigga. Boqoraddu, iyada ayaa ugxanta dhigta. Cimriga boqoradda waa uu raagaa. Saldhigyada, qaar baa leh boqorado ay  da’dooda gaadho illaa 20 sano. Goortii ay baahideeda timaaddo, iyadu waxay dhigtaa ugxan dheddig ah, kuwaas oo dhinta markuu guurku dhaco dabadeed.
Cayayaankan yar, wuxuu nasiib u yeeshay in lagu xuso kitaabka Quraanka ah ee hooyada u noqdey aqoon oo dhan. Suurad Quraan ah ayaa lagu magacaabaa Al-Namal oo macnaheedu yahay Quraanjada. Ishaarada laynoogu tilmaamayo Quraanjadu, waa iyada oo xambaarsan casharo badan, kuwaas oo nafac u leh aadamiga iyo noloshiisa. Casharadaas ayaa waxay isugu jiraan qaybo wax laga gartay iyo qaybo la raad hayo. Habsamida nololeed ee ku dhisan urursanaanta xubnaha bulshada iyo is-taakuleynta, ayaa waxay yihiin casharada milgaha culus oo mudan in lagaga deydo bulshada Quraanjada. Hannaankaasi maahan mid ku dhisan xoog iyo muruq tuujis, bal waa mid ay cadaaladdu caynaanka u hayso. Diraasaadka faraha badan oo ay sameeyeen aqoonyahannada quraanjo-baradka ah, waxaa lagu ogaadey, xayawaankaas yari, qaabka uu u dhaqmo ee cajiibka badan. Arimaha ay tilmaameen waxaa kamid ah, anshaxa bulshada Quraanjada dhexdeeda yaal, kaas oo beentu ay ka reeban tahay.
Nin kamid ah aqoonyahannada quraanjo-baradka, ayaa wuxuu sameeyay fal tijaabo ah. Wuxuu u kuurgalay hab-nololeedka bulshada Quraanjada. Qalab weyniso ah ayuu ku rakibtay saldhig ay ku nool yihiin bulsho wayn oo Quraanjo ah. Dabadeed gabal yar oo rooti ah ayuu hor dhigay godkii saldhigga ahaa. Hal kamid ah Quraanjadii ayaa soo baxdey. Waxay aragtey gabalkii rootiga ahaa. Gudahii ayay ku laabatay, si ay u wargeliso kooxdii shaqaalaha ahaa. Ninkii tijaabada hayay, ayaa gabalkii rootiga ahaa wuxuu ka qaadey meeshii uu yiil. Quraanjadii, iyada oo tiro badan, oo weliba dheereynaya ayay godkii ka soo baxeen. Afarta jaho ayay ka raadiyeen gabalkii rootiga ahaa. Markii ay waayeen, godkii ayay dib ugu laabteen. Ninkii aqoonyahanka ahaa, gabalkii rootiga ahaa ayuu markale godkii hor-dhigay. Quraanjadii xabadda ahayd ayaa markale soo baxday. Waxay aragtay gabalkii rootiga ahaa oo markale meeshii yaal. Dabadeed dib ayay ugu laabatay godkii. Ciidankii ayay soo kicisay. Markii ay dibadda u soo yaaceen, rootigii ma ayan helin. Waayo ninkii ayaa meeshii ka qaadey oo ka qariyay. Kooxdii quraanjada ahayd, dib ayay ugu laabteen godkii. Riwaayaddaas, mar saddexaad ayay soo noqotay oo godka hortiisii ayay ka dhacdey.
Bulshadii Quraanjada ahayd, waxay bilaabeen in ay maxkamad saaraan middii khabarka rootiga keentey. Waxaa lagu caddeeyay in ay beenaaley tahay. Sidaa darteed dil ayay ku xukumeen. Godka gudihiisii ayay ku dileen. Bulshadaas Quraanjada ahi, ma oggola xubin kamid ah in ay been la meereysato xubnaha bulshada dhexdooda. Fal midkaas ka liitana, oggolaanmayaan. Hannaankaas anshaxiisu sareeyo ayay ku nool yihiin cayayaankaas aan aadamiga qiimi ugu fadhin. 
Guutooyinka iyo gaasaska Quraanjada ah, ee saldhigyada ku leh dhulka oogadiisa, waxay kamid yihiin ciidamada Eebe uu wax ku qahro. Goortii uu doono ayuu dadkuu doono ku beleeyaa, kuwuu doonona ku ibtileeyaa. Cid aana Eebe ahayn oo garaneysa cududda ciidankaas ma jirto. Askar uu qortey maahan ama uu u yeertey, bal waa ciidan uu isaga abuurtey. Saldhigyada iyo xeryaha waxay ugu jiraan, heegan ay ku sugayaan fulinta amarka Eebe. Taasina waxay ku dhacdaa falalka Eebe iyo xikmadihiisa si ayan noloshu u dheeliyin.
 Duulaankii ugu danbeeyay oo ciidamada Quraanjadu ay soo qaadaan, wuxuu dhacay sanadkii 1998-kii. Jaad quraanyo ah oo magaceeda la yiraahdo Quraanjadii Dabka – QD (Fire Ants), ayay ahaayeen ciidankii ka danbeysay duulaankan. Gobollada ay weerartey waxay ahaayeen koonfurta dalka Mareekanka. Quraanjada jaadkan ah, asalkeeda waxay ku dhaqan tahay qaaradda Laatiin Ameerika. Iyadu waxay sabab u noqotaa khasaaro dhaqaale oo xooggan. Waa Quraanjo sababta geeri ku timaadda xoolaha dadku dhaqdaan sida lo’da iyo ariga. Mararka qaarkood waxay dishaa dadka. Saldhigyada badan oo ay ku leedahay qaaradda Laatiin Ameerika, ayaa waxay sahleen in ay u soo foofto dalka Mareekanka. Quraanjadan ayaa horey waxaa loogala quustay in lagu laayo sunta cayayaanka lagula diriro. Waa suuragal in sababtu tahay sida xooggan oo ay u taranto. Mar qura ayaa waxay reebtaa tiro aad u badan oo ugxan ah. Boqoraddu waxay awood u leedahay in ay dhasho boqollaal ugxan, kuwaas oo ay ka dhashaan boqorado badan. Markaas ayaa mid waliba oo boqorad ah, waxay awood u yeelataa in ay hal-abuurto saldhig cusub oo ah QD, kaas oo ay iyadu hoggaanka u hayso.
Sida magaceeda ka muuqata, Quraanjadan waxay ku nooshahay oo ay jeceshahay meelaha cimilada kulul. Markay ka soo baxdo saldhigyadeeda, iyada oo howl ku jeedda, waxay soo baxdaa iyada oo geeddigeedu uu taxan yahay masaafo gaareysa illaa 6 km. Aqoonyahannada u kuurgalay cayayaankan, waxay caddeeyeen in Quraanjadan ayan ku soo bixin, geeddi taxanihiisu uu masaafadaas ka yar-yahay.
Dalka Mareekanka, waxaa la arkay QD, iyada oo raacaysa fiilooyinka korontada iyo kuwa wershadaha dabka siiya. Biyaha markay ku dhacdo, waa ay is dhalan rogtaa. Markii ay gasho gudaha jirka kalluunka, waxay sababtaa in kalluunkii uu dhinto, iyada oo Quraanjadii uusan gaarin wax dhaawac ah. Kalluun ay dishay quraanjadan ayaa waxaa gudihiisa laga helay raad dab ah. Waxay ahayd meel jirkii kalluunka ah oo gubatay.  Markii ay u soo dhowaato jirka dadka ama xoolaha, waxay dareemayaan kul heerkiisu kala duwan yahay, oo ay u dhexeyso 2-3 heer-kul. Arintaasi ayaa waxay tahay, mid aqoonyahannada ku keentay maan-wareer. Iyagu waxay tafsiir u la’yihiin cimilada cayayaankan.
Waxaa shiddo ka taagan tahay, cayayaankan aadka u yar sidii loola dhaqmi lahaa. Waxaa muuqata dagaalka bareeraha ah ee uu ku hayo nolosha aadamiga. Weli aqoonyahannada kuma ayan guuleysan in ay helaan sun lagula dagaalamo. Mareekanka ayaa illaa iyo hadda wuxuu u adeegsadaa suntan cayayaanka lagu laayo ee uu ka soo iibsado dalka Baraasiil. Suntaasi oo ah mid lagula diriro dakhsiga, ayaa qudheedu aanan wax wayn ka qaban cirib-tirka quraanjadan.
Kadib markii quraanjadan ay noqotay mushkilad soo wajahday dalka Mareekanka, miisaaniyadda dowladda kharaj badan ayaa kaga baxay la dagaalankeeda. Laakiin marna kuma guuleysan in wax natiijo ah laga gaaro dagaalka lala galay ciidanka quraanjada. Markii danbe aqoonyahannadu waxay ku taliyeen in loo kuurgalo saldhigyada waawayn oo ay ka soo duulayso quraanjadan. Kadib markii la heley saldhigyadii, sida u caadada noqotay maamullada dalka Mareekanka, gantaallo ayay ku weerareen saldhigyadii ay lahayd QD. Natiijadii waxay noqotay mid lala fajacay. Waxaa la ogaaday in Quraanjadii ay kororsatay taran, geeddigii dheeraa ee hayaankana, uu kororsaday dherer.
QD, waxay culeys ku keentey dalkii dunida ugu xoogga waynaa. Markaas ayaa Mareekanku wuxuu u adeegsaday awood kasta ee lagu hakinayo. Ninka la yiraahdo Sunford Porter, waa aqoonyahan ku takhasusay aqoonta cayayaan-baradka. Wuxuu ka shaqeeyaa xarun cilmi-baaris ee lagu hayo aqoonta xasharaadka, taas oo raacsan wasaaradda beeraha gobolka Florida. Ninkaasi wuxuu sheegay in quraanjadan ay sanad walba u geysato dalka Mareekanka khasaaro qiimaheedo gaarayo laba milyaar oo dollar. Waxay bur-burisaa dalag badan ee beeraha iyo waayerada korontada. Haragga dadka iyo xoolaha waxay ku reebtaa dhaawac xanuun badan. Sanad walba lix qof ayaa darteed u dhinta.
Bishii sebtember, 1998-kii, magaalada Jackson ee Mississippi, qof meyd ah ayaa aqalkiisii laga dhex helay. Ninkaasi ayaa markii jirkiisii la baaray, waxaa laga heley QD. Dowladdu malaayiin doollar ayay ku bixisay si loo hakiyo weerarka cayayaankan cajiibka badan. Waa cayayaan aanan biyaha wax ku noqon, sunta xasharaadka u adkeysanaya, dabkana ku tarmaya. Sidaa darteed, culimadu waxay ku magacaabeen (Cayayaan aan laga adkaan). Aqoonyahannadu, waxay hadda baadi-goob ugu jiraan, in ay helaan ciidamo dabiici ah oo ay ku hakiyaan weerarka quraanjadan. Taasina waxay ka danbeysay markii loo caal-waayay dagaalka quraanjadan.
QD, waxay weerar ku haysaa 10 gobol  oo kamid ah kuwa ku yaal koonfurta Mareekanka. Sanadkii waxay ku faaftaa dhul gaaraya 8-10 km. Islamarkaa waxay hallaysaa dhul-beereed gaaraya malaayiin hiktaar. Gobollada ay dhibaatada ku hayso waxaa kamid ah Texas, California, Florida iyo Virginia. Sunford Porter, wuxuu sheegay, QD in ay bi’iso beeraha ay ka baxaan bataatiga iyo dhirta bambeelmada. Waxay weerartaa lo’da iyo xayawaanka kale. Xataa xasharaadka iyo jaadadka kale ee quraanjada ah, kama ay badbaadaan dhibaatada Quraanjada Dabka. 
Sanadahaas uu bilowga ahaa weerarka QD, waxaa jiray khubaro reer galbeed ah oo u howl-galay in ay la dagaalamaan kitaabka Quraanka. Raggaasi ayaa waxay ku  dadaaleen in ay diraaseeyaan aayadaha Quraanka si ay uga soo saaraan meel ay ka weeraraan. Ugu danbeyntii waxay fasirteen aayadda 18-aad ee suuradda Al-Namal. Aayaddu waxay leedahay, hadal macnihiisu yahay sidan :
” Markii ay timid toggii quraanjada, quraanjo ayaa tiri : quraanjoy, kala gala aqalladiinii, yeyan idin jejebin Suleymaan iyo ciidankiisii, iyaga oo aanan dareensanayn ” (Suuradda Al-Namal. Aayadda 18-aad).
Aqoonyahannadaas Quraan la-dirirka ah, waxay ku hakadeen erey ku jira aayaddan ee ah (Laa yaxdimannakum), macnihiisuna yahay, yeyan idin jejebin. Waxay weerareen ereygan, iyaga oo ku andacoonaya in quraanjadu tahay walax aad u yar. Sidaa darteed ereyga ah jejebin uusan ahayn mid laaqi u ah meesha uu ku jiro. Bal uu yahay erey khaldan. Sidaa darteed aanan la oran karin Quraanku waa kitaab ka nabad-galey khaladaad. Dhowr sano ayaa hadalkaas dunida la wareejinayay. Qoraallo badan ayaa laga sameeyay. Aqoonyahan keliya oo muslim ah oo ka jawaabay arintaa ma jirin.
Sanadkii 1997, ayaa aqoonyahan u dhashay dalka Austreliya, wuxuu u kuurgalay, jirka quraanjada. Wuxuu heley arin ka yaabisay. Ninkaasi wuxuu ogaadey in jirka quraanjadu uu ku badan yahay maaddada quraaradaha laga sameeyo. Sidaas ayaa waxaa ku rumoobey aayaddii tilmaantay hadalkii quraanjada ee ahayd (yeyen idin jejebin Suleymaan iyo ciidankiisa). Natiijadaasi waxay aamusisey dooddii baadilka ahayd oo ay Quraan-diidayaashu afuufayeen. Aqoonyahankii tijaabada lahaa, isagiina aayaddii ayuu ku muslimey.
Laan-yeen lihiin ma lihinoo kuma lulootaane
Lucfadii la soo cunay wallaan loola ledihayne
Nin lixaad lahow haysu filan inaadan laabmayne
Ninna yuu ladnaan uurka gelin horeba loo waaye  (waa tixdii Xaaji Cali Cabdi-raxmaan)
TIXRAACA DR S ENOW
W :   Q  : SUXUFI ABROONE
                   LUTON
              BEDFORDSHIRE
                    U     K

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player