Khamiis, May 20, 2010 (Idhanka -War-Saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayuu dib ugu soo celiyey xukuumaddii oo dhawaan shaqada qaaday ee R/Wasaare Cumar Cabdirashid.
War-Saxaafadeedkaan oo ay Hiiraan Online ka heshay xafiiska Madaxtooyada ayuu madaxeynaha ku yiri “Ayada oo Tixgaliyay xaaladaha iyo duruufaha adag ee uu dalku marayo, taas oo loo baahan yahay in looga gudbo midnimo, wadajir iyo isku-duubni”.
Sidaa daraadeed ayuu yiri madaxweynaha “Waxaan ku wargeliyey in Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumadda ay howlahoodii si caadi ah u wataan xilkoodana si hufan u gutaan”
Wixii dheeraad ah oo arrintaan ka soo baxa dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa.
Soure-hol
















Posted in 





