,Madaxweynaha oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Qoyskii uu Ka Baxay Wasiirkii Hore ee Ganacisga
Hargeysa (idhanka)- Dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa isaga oo dhamays tiran waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha JSL. Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxaa u maanta dhambaal tacsiya u diray Qoskii iyo qaraabadii u ka baxay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cismaan Qaasim Qodax, oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa isaga oo Xanuusanaayey mudo labbo todoobaad ah.
Marxuum Cismaan Qaasim Qodax waxa uu ahaa nin kaalin fir-fircoon ka soo qaatay dib u dhiska iyo qaranimada Somaliland isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dhawr Wasaaradood oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Ganacsiga.
Madaxweynaha JSL. waxa uu Ilahay uga baryey qosykii, qarabadii iyo shacbiga Somaliland-ba in u samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana janada ka waraabiyo”.


















