Waddamada adduunka intooda badan ayaa bisha May xusa maalinta hooyada. Dhab ahaantii haddii Hooyada wanaageeda lagu xuso ammin kasta iyo aradka kasta oo la joogaba lama gudi karo xaqeeda, hase yeeshee waxa lagama maarmaan noqotay in ay yeelato maalin lagu xusuusto.
Haddaba heestan soo socota oo la yidhaahdo HOOYO waxan ku xusayaa hooyaday Sheekha Raxma Cige Dirir oo hooyonimada ka sokow ah macallinkaygii ii bilowday Alif-Ba’da ee i bartay akhriska iyo qoraalka Quraanka iyo Afka-Carabiga, indhahayga u furtay nuurka aqoonta. Waana ababiyahaygii igu anqarisay jacaylka suugaanta iyo dhaqanka ee aan sheekooyinkeedii, halaanhalkeedii iyo tixihii ay ii dareerin jirtay yaraantii ay ii noqotay ceel wahdi ah oo aan iga maaxdumin iyo sahay aan madhanayn oo aan kaga gudbo suudiga waayaha, kana qadhaabto midhaha aan suugaanta ku curiyo.
Heesta aniga oo munaasabadda maalinta hooyada u hibaynaya hooyaday waxa la wadaaga hooyo kasta oo adduunka joogta, gaar ahaan kuwa fahmaya Af-Soomaaliga ay heestu ku qoran tahay. In kasta oo ay habboonayd in heesta la dhegeysto iyada oo muusig wadata, xilliga ayaa igu simi waayey, muusiguna goortiisa ayuu iman doonaa isaga oo sida heestu u qorantahay uun u dhici doona.
- HOOYO
- Dunidoo holcaysoo
Hooyo
- Halasuhu wax leefay
Hooyo
- Halkaad adigu joogtiyo
Hooyo
- Hadh qaboobidaayey
Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo.
***
- Jiilaal hawaarsaday
Hooyo
- Hamadigu wax laayay
Hooyo
- Goshaad igu habaysiyo
Hooyo
- Hugaagii dugsoonaa
Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
- Colaad la isku hiifiyo
Hooyo
- Meel balo ka hoortay
Hooyo
- Hoobeeyadaadaan
Hooyo
- Hurdo nabad ku seexdaa
hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
- Anoo kaa hulleelaad
- Hooyo
- Hareertayda joogtaa
Hooyo
- Dhagixii i hantaaqaba
- Hooyo
- Hobo’ baad i leedahay
Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
- Anoo kuba hilmaamaad
Hooyo
Laabta igu haysaa
Hooyo
- Habaar iima quudhide
- Hooyo
- Ducaad igu hagoogtaaa
Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
- ***
- Halyeey iyo haldhaa iyo
- Hooyo
- Hoodo iyo Hibaaq dhala
- Hooyo
- Hadba kii hafeef qaba
- Hooyo
- Hurdadawga saakuma
- Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
- ***
- Waan arkaa humaaggii
- Hooyo
- Adoo igu hadraayee
- Hooyo
- Hadhka iyo habeenkii
- Hooyo
- Waan kugu hadaaqaa
- Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
- ***
- Eebbeheen ku hanayoo
- Hooyo
- Wadka maalmo kaa hay
- Hooyo
- Oo jannooyin hooda leh
- Hooyo
- Ku waar hoyga aakhiro
- Hooyo
- Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
-
-
-
-
- ©Bashir Goth, 09 May 2010
-
-
-
-
-
-
-
- Email: bsogoth@yahoo.com
-
-
-

















Posted in 





