Arbaco, May 19, 2010 (Idhanka) ? Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in weerar ku qabsadeen saldhig u dhexeysa Jigjiga iyo Harar ayna ku dileen ku dileen 94-askari oo Itoobiyaan ah.
Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu dhacay, isagoo diiday guusha ay Jabhadda ONLF ka sheegatay dagaalka iyo askar ka tirsan ciidamadooda saldhigaas ku sugnaa.
War qoraal ah oo kasoo baxay Jabahadda ONLF ayaa lagu sheegay inay qabsadeen saldhig ku yaala Magaalada Garrison oo ay weerar ku qaadeen, waxaana weerarkan uu imaanyaa iyadoo doorashooyinka Itoobiya ay ka harsan tahay 5-maalmood.
“Ciidamo ka tirsan ONLF ayaa weerar ku qaadaan saldhig ay joogaan Maleeshiyo deegaanka oo dowlada gacansaar la leh iyo Booliiskeena” ayuu Afhayeen u hadlay Itoobiya oo lagu magacaabo Shimeles Kemal u sheegay Reuters.
Afhayeekan wuxuu intaas ku daray: “Kooxdaas guul kama gaarin dagaalka, waana la dilay dhamaantood, khasaarooyin yaryar ayaa soo gaaray ciidanka gacansaarka nala leh ee ku sugnaa saldhiga”.
Wariyeyaasha ayaa loo diiday inay tagaan deegaanka uu dagaalku ka dhacay, iyadoo Jabhadda ONLF ay bishii November ee 2009 ay sheegeen inay qabsadeen 7-degmo ayna ku dileen 1,000-askari oo ciidanka Itoobiya ka tirsan, balse taas ay dowladdu iska diiday.
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Jabadda ay beeniyeen hadalkaas, waxaana Jabhaddu ay sheegtay inay sii wadayso dagaalka ay kula jiro Itoobiya.
Source-hol
















Posted in 





