Hambalyo – Maalintii Hooyada

Hambalyo - Maalintii Hooyada

Hambalyo – Maalintii Hooyada

Waa maalintii loo qoondeeyay xasuusta, qadarinta, xushmada iyo abaalcelinta hooyo iyo hooyo- nimada (mother and motherhood). Waa maalintii aan xasuusanaynay ruuxa ugu qiimo badan bin-aadamka. Waa maalintii loo qoondeeyay xasuusta hooyooyinkeenii ina dhalay ee ina koriyay. 

Wadamada aduunku way ku kala duwanyihiin maalintaa loo qoondeeyay xasuusta hooyo iyo hooyo-nimada. Wadamada reer galbeedka intooda badani waxay u qoondeeyeen maalinta Axada labaad ee bisha Maayo sanadwalba. Inkasta oo maalin walba dhaqankeena ka tahay maalin hooyo la xasuusto oo loo mahad celiyo hadana marka wadan isku raaco maalin la xasuusto hooyo waxay noqonaysaa arin rasmi ah oo la wadaago. Qoraalkaygan maantu wuxuu xusayaa maalintaa hooyo loo qoondeeyay.

Hooyo abaalkeeda la gudi kari mayo ee aan idhaahdo Illaaha qaadiri janatul Fardowsa ha ugu abaal gudo inta aan inala joogin. Inta inala joogtana halkii roon haku hagaajo.

Waa hooyadii ina keentay aduunka ee sagaalka bilood caloosha inagu haysay. Waa hooyadii aan marnaba daalayn ee wakhtigeedu ku dhamaaday koristeena. Waa hooyadii jacaylkeedu dhamaashaha lahayn een shuruud ku xidhnayn ee joogto ahaa.

Waa hooyadii dhabteeda lagu gama’ayay ee inoogu heestay ereyadii hurdada soo qabanaayay. Waa hooyadii dusheeda nabada aan ku helaynay ee marka aan wax diidno heeladeedu ahayd;

Yaa dilay oo dagaalay
Ninkii dilay dayni maayo
Oo duleedka reerkaan u joogsan….

Guri kiisa u fiicani waa guriga hooyo ay joogto. Hooyo waa baraha aduunka u wanaagsan. Waa tii carrabkeena hagaysay ee hadalka ina baraysay. Hooyo abaalkeeda cidi gudi kari mayso oo waatii dhaqaaqeena bilowday ee talaabo talaabo socodka inoo baraysay. Hooyo waatii soo cararaysay marka aad talaabada xajin waydo ee nabarka dhunkanaysay hadii uu dhaawac ku gaadho eed markiiba bogsanaysay (magic kiss).

Hooyo waa ta usluubteena wanaagsan iyo dhaqankeena haboon dariiqa u jeexday. Markii aan koraynay hooyo waa tii hurdadeedu yarayd ee aroortii qureeca kimista inoo dubaysay. Markaan dugsiga ka nimaadno hooyo waa tii qadada oo diyaar ah inaan u nimaadno hubinaysay ee afkeeda aan waxba saarayn ilaa aan ka kacayno.

Hooyo waatii walwalaysay hadii aad habeenkii hore usoo hoyan waydo een soo jeedka ka daalayn ilaa aad imanayso ee hubinaysay gama’aaga marka ay bustaha ku saarto. Hooyo yaa abaalkeeda gudi karaaya?

Hooyo waatii qaladka aan samayno cidna aan ku nacayn ee waano iyo waxsheeg cadhada ku badilaysay. Hooyo waatii tusaalo iyo tilmaam inoola diyaarka ahayd, samirkeedu badnaa ee waanada wakhti walba diyaar la ahayd ee waxay ina barayso bilaashka ahaa. Hooyo abaalkeeda ma cidbaa gudi karaysa?

Markii aan koraynay cuntadii macaanayd een cunaynay maalintii eebe keeno, hooyo ayay ahayd tii karinaysay. Hooyo waatii taageeradeedu diyaarka ahayd goortii ladoonaba een marnaba kaa hagranayn wixii ay karayso ee waliba dadaalka u galayso wixii ay kari waydo.

Hooyo waa korisadii adiga oo xusul leeg kaasoo saartay sida aad tahay manta. Hooyo abaalkeeda ma cidbaa gudi karaysa?

Hooyo abaalkeeda cidi gudi kari mayso oo waa hubaal hadii miisaan la saaro aduunka, dhinaca kalana abaalka hooyo leedahay la saaro, dhinaca hooyo ayuu miisaanku ku cuslaani. Aqoona hooyo lagu gaadhi maayo oo waata garanaysa sabiga caruurtii wuxuu tabanaayo ee uuna afka kasoo saari karayn. Waa hubaal qofkii la af garan waayo hooyo uunbaa af taqaana. Hooyo abaalkeeda ma cidbaa gudi karaysa.

Meesha hooyo ay joogto, naxariis iyo wanaag baa ka buuxda. Xidhiidhka hooyo iyo caruurteeda wuxuu ku xidhmaa garaaca qalbigeeda. Hooyo fikradeedu marnaba kali maaha oo waxa lamaaneeya ta ku aadan caruurteeda.

Hooyo qalbigeedu waa qolka naxariista caruurteeda. Hooyo dhabteedu waa dugsiga u wanaagsan. Hooyo waatii wakhti walba afkeeda ku haysay ducadaada ee xasuusta ducadii hooyo inay wakhti walba ku hor taalo.

Hooyo waata waxaas oo dhan samaysa iyo wax kale oo badan oon qoraal lagusoo koobi karayn. Waa maalintii mahadnaqa hooyo loo qoondeeyee, wax carrabku uu yidhaahdo kalmada hooyo ayaa u macaane dhamaanteen aan u dhawaaqno hooyo oo aan ka nidhaahno;

Hooooyoooy MAHAD ADIGAA LEH…

Waa maalintii hooyo mahad naqeeda loo qoondeeyee hadii ay ku garab joogto, si naxariisle u dhaqaaq, oo ku dhawaaq hadal kiisa u macaan adiga oo odhanaaya;

Hooyadii i dhashee koristayda lahayday cimrigaagu ha raago oo Illaaha qaadirii dambigaaga ha dhaafo adiga oo dhunkanaaya.

Hadii aanay kula joogin oo ay joogto meel aad gaadhi karayso, waa kugu waajib inaad u tagtaa ood soo aragtaa oo mahad aa u celisaa ileen waatii yaduba marka aad ka maqantahay kuu imanaysay ee odhanaysay;

?Hooyo indhaheygaa u basaasay inay ku arkaan…?

Hadii aanay kula joogin oonad socdaal ku gaadhi karayn, waa kugu waajib inaad la hadashaa adiga oo adeegsanaaya taleefan oo mahdnaq u celisaa, ileen yaduba marka aad ka maqantahay eenay kuu iman karaynin waata soo garaacda taleefanka eeku tidhaahda;

?Hooyo dhagahaygaa u baahday maqalkaaga..?

Inteena aanay hooyo aduunkan la joogin, aan u ducayno ee aamiin ku dhawaaqa;

Illaaha qaadiree naxariista badani dambigooga ha dhaafo

Illaaha qaadiree naxariista badani janatul fardowsa ha geeyo

Illaha qaadirii qubuurahooda ha u iftiimiyo oo ha u balaadhso

Illaaha qaadirii qabuurahooda ha uga dhigo jano raaxo ah

Waalid hooyo ayaa u mudan. Akhristayaalow xasuusta abaalka hooyo inagu wada leedahay oon marnaba lagusoo koobi Karin qoraal islamarkaana wax hooyo loo sameeyo marnaba aanay u dhigmayn waxay hooyo inoo samaysay oo ah nolosheena.

No gift to mother can ever equal her gift to us ? Life.

Midna waa iga xasuus ragow ee ha la ogaado;

Waxa u qiimo badan ee aabo u sameeyo caruurtiisa waa isaga oo jeclaada hooyadood….

Waxaan kusoo xidhayaa aniga oo salaan iyo mahadnaq qaali ah u jeedinaya hooyooyinka aduunka meel ay joogaanba.

Suleymaan Cabdi Dugsiiye
Ottawa

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player