Hambalyo, Guubaabo iyo talo ku socota Ururka ASARDA

Waxan ku faraxsannahay in aan Maqallo amma aan xiiseyno wararka waxwada qabsiga ku salaysan ee baryahanba ka soo burqanaya Boorama. Waxana ugu dambeeyey oo aan si gaar ah u hambalyeynaynaa ururka la baxay ASARDA iyo taageerayaasha ururkan samafalka ah ee u sara istaagay in ay wax ka qabtaan waddooyin-xumada ragaadisay isku socodka gobolka Awdal iyo gobollada ku xeeran ammaba mandiqadda, dhibtaasi oo qayb ka ah dhaqaale xumada gobollada galbeed. Sidoo kale waxa aan hambalyeynaynaa shacabka sida hagar la’aanta ah u taageeray amma ugu heellan in uu garab galo Ururkan ASARDA. Waxana ku dayasho mudan dareenka wax wada qabsi ee shacabka reer Adal ( shacabka dega gobollada galbeed ee Somaliland ) ay ka bilaabeen Boorama iyo guud ahaanba degaannada ay degaan. Taasi oo aan intii muddo ah looga baran tallaabo noocan oo kale ah. Laakiin ay maanta muuqato in ay heleen dabayl caafimaad.
 Sidaasi daraaddeedna ay gudo iyo dibadba qacmaha is qabsan doonaan, oo ay horumarka dalkooda iyo taakulaynta bulshadooda  u soo jeesan doonaan.


 
Walaalayaal, waxa aad bilowdeen khayr aan weligii dhammaanayn iyo horumar wax ka tari doona baahida maanta iyo ta barri ee ay jid xumadu leedahay. Tallaabadan aad qaaddeenna waxa aan rajaynaynaa in ilaah ka dhigo tii lagu manaafacaadsado. Inta taageertay iyo inta taageeri doontaana waxa ay ku qormi doonaan buugga taariikhda iyo taallooyin aan duugoobin.
 
Walaalayaal, riyada inta horumarka jeceli waa mid qurux badan oo aan samayn karro…waan samayn karraa…karraa….waan kasnaa waanan karraa…karraa. Mana fogeysanayo in aan baabuurkayga ku maro jidad qurux badan oo ku yaalla dalkaygii, kuwaasi oo ka qurux badan kuwa Yurub ee aan martida ku ahay. Reer Yurubba markii ay garteen in iskaashi uun horumar lagu gaadhi karo ayey iskaashadeen oo ay xooggoodii iyo dhaqaalahoodii iskugu geeyeen, kaddibna ay heerkan gaadheen. Reer Adalla mar haddii ay maanta garteen in ay wax qabsan karaan….waan qabsanaynaa. Ee yaan laga daalina….. Ha daalina weligiin.
 
Walaalayaal, sida muuqata maanta reer Awdal guud ahaanba way sara joogsadeen, waxana ay u istaageen wax wada qabsi, iskaashi. Waxa ay ka gudbeen tafaraaruq, kala daadsanaan iyo in lagu kor shaqaysto. Oo ay iyaguna ahaadaan midiidin u adeega dana kale. Iyaga oo ku shaqaynaya fikrado kale iyo tilmaamo ay shakhsiyaad kale iska leeyihiin. Maanta waxa ay arkayaan dantooda iyo hawlaha u yaalla ee ragaadiyey. Wakhtina uma hayaan in ay isku qab-qabsadaan fikrado dhoof ugu yimid oo aanay iyagu fikirin.
 
Salaadiinta, aqoonyahannada iyo indheergaradka kaleba waxa ay u xayteen…..la soo noqoshada karaamadoodii, xaddaaraddoodii iyo iimaankoodii. Waxa kale oo ay muxubbo u qabaan caddaalad lagu wada dhaqmo, oo jaarka lagula dhaqmo. In aan guud ahaan cidna la duudsiyin xaqeeda, gaar ahaanna Reer Awdal aanay cidna duudsiyin xaqeeda, dullinimana aanay qaadan. Mawqifka hoggaanka ummadduna waa mid…dantuna waa mid…..kii intaa garan waayaana waa mid aan sharaf iyo karaamo midna ku lahayn ummaddiisa.
 
“Waad baahan tahay looma bahallo cuno”, waa murti Somaliyeed oo macno weyn ku fadhida. Ninkii macnaheeda garanayaa waa uu garanayaa kii kalena loo sheegi maayo. Waxan taa uga jeedaa: Hadday dhici jirtay in duqa hawsha u xaytay la gunneeyo si uu shaqada u curyaamiyo, yaanay dib u dhicin. Hawsha aad u xaydateen mid aan ahayna faraha ha la gelina. Oday, aqoonyahan iyo da’yarba intiina ASARDA la shaqaynaysaay ka fogaada siyaasad iyo arrimo kale. Haddiise aad ku milantaan duufaannada dhawaan idin hadhayn doona waa mid nasiib darro ah.

Shabakadd Idhanka.com waxa ay dhiirri gelisaa horumarka, wax wada qabsiga, nabadda iyo doodda xalaasha ah ee caddaaladda ku qotonta. Cidna uma habrato, cidna duullaan kuma aha. Wararka ay soo gudbisaana waa dhex dhexaad

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player