Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)

Ref: Sharmoc2411009    
 Date:28 May 2010
Ujeeddo: Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) Oo Walaac ka Muujiyey Kororka Khasaaraha Gaaray  dadka Rayidka ah Bishan
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) ayaa walaac ka muujinaya Khasaaraha Dhimashada, Dhaawaca iyo Barakaca ee gaaraya Shacabka Soomaaliyeed kana dhalanaya dagaalada aan macnaha lahayn ee ay isagasoo horjeedaan Dowladda KMG ah,Amisom iyo Kooxaha Islaamiyiinta.
 
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanuhu waxaa uu ku tilmaamayaa Khsaaraha gaaraya Shacabka in uu yahay mid aan la aqbali Karin, waxaana bishan oo kaliya ku dhimatay gobo kala duwan oo kamid ah Dalka Somalia in ka badan 258 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 526 qof, waxaa sidoo kale ka barakacay goobahaas dagaaladu saameeyeen in ka badan 180,000 (Boqol iyo Sideetan kun oo Ruux).
 
Bishan ayaa lagu tilmaami karaa bisha ugu khsaaraha badan ee dagaalo ay galaafteen nolosha dadkan, waxaana dagaaladii dhacayey intooda badan ay ka dheceen Magaalada Muqdisho ee Gobalka Banaadir oo masrax colaadeed u ahaa Dowladda KMG ah ee Somalia,Ciidamada Amisom iyo Ururada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dagaallo fool ka fool ah iyo Duqaymo aan loo aaba yeelin isugu jawaabayey.
 
Bishan oo kaliya In ka badan 14 iska hor imaad iyo Duqaymo ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho taasoo Kooxaha Hubaysan ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ay la gelayeen qaybaha kala duwan ee Dowladda, Amisom iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana khsaaraha ugu badan ee Dhiamshada,Dhaawaca iyo Bakaracu gaarayey shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
 
Kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa adeegsanaya Madaafiic iyo hoobiyayaal intooda badan ka habaaba goobihii ay ugu tala galeen, kadibna ku dhaca Xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, halka Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladduna ay kaga jawaabaan Madaafiic kala duwan oo ay ku garaacaan Degaanada Bakaaraha, Dayniile, Suuqa Xoolaha iyo Meelo kale oo iyaguna ay ku noolyihiin dad rayid. 
 
Magaalooyinka Buuhoodle, Widh Widh, Xarardheere, Boosaaso iyo Tuulooyin ku yaalla Gobalka Bakool ayaa ay ka dheceen Dagaallo isugu jira kuwa beeleed iyo kuwo Siyaasadeed, iyadoo dagaaladaas ay ka dhasheen qasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah.
 
Waxaa sidoo kale ah wax laga xumaado in bilihii ugu dambeeyey ay kusoo badanayeen Magaalada Muqdisho falal ku cusub Umadda Reer Muqdisho, kuwaasoo ah in dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 16-30 sano la afduubto, maalmo kadibna la helo maydkooda oo Gacmaha iyo lugaha ka xiran intooda badanna la jir dilo, halka qaarna Madaxa laga jaro oo Maydka oo kala go’an lasoo dhigo laba meelood oo kala duwan, waxaana xusid mudan in arrimahan ay ka dhacaan goobaha ay ka wada taliyaan Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Kooxaha Islaamiyiinta.
 
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) ayaa Cambaareynaya Dagaaladan sababay Khsaaraha soo gaaray dadka shacabka ah uguna baaqaya dhinacyada isku haysta Colaadda siyaasadeysan in ay joojiyaan kana fogaadaan goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah ee aysan ka horeyn meel ay u baxsadaan.
 
Dhimashada, Dhaawaca iyo Khsaaraha gaaraya Shacabka ayaa ah mid ka hor imaanaya baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suuban ee Soomaalida, waxaana Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc uu uga digayaa dhinacyada gaysanaya falalka meel looga dhacayo Xuquuqda Aadanaha in ay geli doonaan diiwaanka Shaksiyaadka iyo Kooxaha gaystay Dembiyada dagaalka Caddaaladdana lasoo taagi doono.
 
Wabillaahi Towfiiq
 
Abdurahman Sheikh Hassan Gacal
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)
London, United Kingdom
Tel.442086797370
Fax.442086797370
Mobile. 447983294906
Email. sharmoc@yahoo.co.uk,sharmoc@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player