Guddiga Dabagalka Sharmoc Oo Cambaareeyey Xasuuqii Masjidka Muqdisho Kana Digay Falcelinta Falkaas Argagaxa Leh

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC) 

Ref: Sharmoc2211009    

 Date:01 May 1 2010

 Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa wax laga xumaadana ku tilmaamayaa Falkii Argagixiska ahaa ee ka dhacay Masjidka Daawada ee Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho, iyadoo falkaasi yahay mid kamid ah Xasuuqii soomara Shacabka Soomaaliyeed.

Falkaan oo dhacay xilli dadku kusoo uruurayeen Masjidka si ay u gutaan Salaaddii Duhurnimo ayaa inta la xaqiijiyey waxa uu galaaftay nolosha in kabadan 40 qof oo intooda badan yihiin rayid iyo dhaawaca oo ka badan 120 qof sida ay xaqiijiyeen Goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho, waxaana dhaawaca qaar yihiin kuwa halis ah halka qaarkoodna ay u geeriyoodeen dhaawacyadaas.

Qaraxan oo aan cidna sheegan Masuuliyadiisa ayaa loo adeegsaday Miinooyinka laga hago meelaha fog, waxaana sida la xaqiijiyey looga gol lahaa in lagu qaarijiyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Maamulka Xarakada Al-Shabaab oo uu kamid ahaa Masuulka Dacwada iyo hanuuninta Fuad Mohamed Shongole oo dhaawac kasoo gaaray waxaana qaraxyadu ahaayeen kuwa is xigxiga, iyadoo burbur xooggana uu soogaaray Dhismihii Masjidka iyo dhismooyin ku dhawaa.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc ayaa muujinaya halista ka dhalatay falkaan iyo sida uu Argagax aan la iloowin ugu abuurayo Ummadda  Soomaaliyeed ee qaar fara badan ay ku waayeen caruurtoodii, Walaalahood iyo Waalidkood, waxaa sidoo kale arrin naxdin leh in falkaan oo kale uu ka dhaco mid kamid ah goobaha ugu sharafta badan taasoo ah Masjid, waxayna Kooxihii ka dambeeyey cid walba oo ay ahaadaanba ay Albaabka u furayaan dhacdooyin halis ah oo aan looga badbaadin guryaha Cibaadada dadka iyo dalkana geliya dhiig data iyo mugdi horleh.

Arrintan xanuunka Badan ayaa ah mid aan kaa tirtirmin xasuusta Umadda Soomaaliyeed iyadoo dadkii dhintay ay ahaayeen Caruur,Haween,Dhalinyaro, Dad da’ah iyo Culimo Diimeed, waxaana falkaani yahay mid kasoo horjeeda diinta Islaamka, Xeerarka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dhaqanka Soomaalida, iyadoo falkaani noqonayo kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca Somalia waxaana Umadda Soomaaliyeed lagu yaqaanaa ilaalinta xeerarka Islaamka iyo dhaqan wanaagga.  

  Ugu Dambeyn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu ka dalbanayaa Kooxaha Siyaasadda ku hardayama in ay ka fogaadaan falalka waxyeelaynaya dadka aan dagaalada ku jirin waxaana si gaar ah looga codsanayaa Dowladda KMG ah, Amisom,Al-Shabaab, Ahlusunna Waljamaaca iyo Xisbul Islaam in ay dhowraan una turaan Shacabka Soomaaliyeed si shuruud la’aan ahna u joojiyaan Colaadaha mugdiga kusii ridaya fursadihii laga qabay in la helo nabad lagu naaloodo. Waxaa sidoo kale Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee Sharmoc uga digayaa dhinacyadan in ay ku muddeysan kaaraan in lasoo taaago Maxkamadda Dembiyada Dagaalka.

Wabilaahi Towfiiq

Abdurahman Sheikh Hassan Gacal

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)

London, United Kingdom

Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player