Sabti, 01 May, 2010 (Idhanka)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in haddii Xisbigoodu ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, ay Somaliland ka qayb-qaadan doonto xallinta khilaafaadka Koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayay Munaasibad xalay lagu soo bandhigay Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbigooda, ayaa sheegay in sidoo kale in Xisbigoodu haddii uu talada Somaliland ku guulaysto uu sanad kasta abaabuli doono Aroos Wadareedyo lagu dhisayo 600 oo Qoys sanadkiiba. Isla markaana ay samayn doonaan Sanduuq Sako oo dadka lagu taakuleeyo.
Guddoomiyaha UCID wuxuu dhaliilay Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga UDUB. ““Horta, waa illaahay mahaddii oo maanta saddexdii xisbiba barnaamijyadoodii waad haysaan, kii UDUB waad haysaan oo waa bilaa Biyo, waa tahriib, waa bilaa idaacad, waa bilaa darajo, musuqmaasuq, qabiil, shaqo la’aan. Markaa saddexdii barnaamij waad haysaan saddexdii musharax iyo ku-xigeenkoodiina waad haysaan, iyagana diirada saara, kaadhkoodana eega mid waliba wuxuu wato, markasaad garan kartaan Xisbi waliba wuxuu wato. Anigu wasiir hore oo shaadh UDUB ah intuu iska soo saaray mid UCID ah idiin gashaday oo tamartiisa garanaysaan ma wadno, Dhiil culanbaanu idiin wadnaa. Maanta waxa la kala dooranayaa lixdaa qof (Murashaxiinta) iyo rakaabkoodii, rakaabku wuu qarsoon yahay.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Mar uu Faysal ka hadlayay xaaladda Soomaaliya iyo qorshahooda haddii ay talada qabtaan, ayaa wuxuu yidhi, “Deriskaaga oo gubanaya ma daawan kartid oo adiga ayay kugu soo fidaysaa, markaa Insha Allaahu walaalayaal haddaanu talada dalka qabano waxaanu ka qayb-qaadan doonaa xallinta khilaafaadka Soomaaliya. Sababtoo ah, anaga ayaa walaalo ah, isku Af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah, isku midab ah, isla markaana fahmi karayna dhibtooda.”
Sidoo kale, mar uu ka hadlayay waxyaabaha kale ee ay qaban doonaan, ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa, “Markaa anagu waxaanu doonaynaa inaanu xooga saarno hantida dadka, bani’aadamka hantidiisu maxay tahay? Waa caafimaad iyo waxbarasho, qofku hadduu caafimaad helo oo uu waxbarto, xirfad yeesho shaqo ayuu helayaa markuu shaqo helana dawladana wuu naaxinayaa, cashuurtii buu bixinayaa, intii kalena reerkiisii iyo carruurtiisuu buu ku hagaajinayaa. Mrkaa labadaasaanu ahmiyada saaraynaa.” Waxaanu Faysal sheegay in Tuulooyinka qaarkood la midaynayo oo magaalo laga samaynayo, si adeegyada aasaasiga ahi ugu suurtogalaan, isla markaana ay horumarinayaan Dekedda Berbera.
















Posted in 





