Faalo:Saxaafada Somaliland Waa Lagu Hungoobey

Warbaahintu waa hab ama qaab fudaydiya in warka si sahlan la iskugu tabiyoama loo kale helo, sidee kale waxa laga helaa xog ay aad u adkaan lahayd inla helo. Ilaahay mahadii warbaahintu waxa ay fudaydisay in adiga oo joogahoygaaga ama meheradaada aad la soconaysid ama aad ka warhaynaysid wararka magaaladaada,wadankaaga iyo aduunka oo dhan.Warbaahinta looma adeegsado ookaliya wararka, laakin waxa kale oo loo adeegsan kara ku guubaabintabarnaamijyada horumarka, waxbarashada, wanaagsan, barashada arimahadiinta iyo ka hortagida waxyaalaha bulshada dhibaatada ku keeni kara sida isticmaalka daroogada,dhaqan xumada iyo dilalka sharci darada ah.Warbaahinta sidoo kale waxa looga faaidaysan kara in da’yarta la barowaajibaadka wadanku ku leeyahay,horumarka wadanaka iyo ka difaacida cadawga.

Hadaba saxaafada wadankeena sidee baa loo adeegsadaa? Wadankeenu waxa uu leeyahay saxaafad madaxbanaan oo intabadan aan lahayn waxxakama ah. Hadaba hadii aad u kuur gasho saxaafada wadankeen
a waxa aad kuarkaysaa wax anshaxa,runta iyo damiirnimada ka baxsan oo lagu soo qoro. Saxaafada wadankeenu ma isticmaasho:
1. Xeerar iyo sharci lagu kalo baxo.
2. Hanaan horumarineed oo ay hiigsanayso
3. Ganaax ama ciqaab lagula kaco wariyihii ku xadgudba xeerarkasaxaafada.
4. Yamxeelo iyo ka damqasho ay u hayso wadanka
5. Dabagal iyo ka warhayn anshaxa iyo shurucda saxaafada.

Saxaafada wadankeenu waxa ay isku badashay goob lagu cadho baxo. Qofkasta oowada fadeexad,been abuur iyo wax iska horkeenid waa loogu qoraa iyada ooaan laga fikirayn dhibaatada ka dhalankarta iyo sumcad xumada saxaafada soogaadhaysa.Waa wax wanaagsan in la cabiro aragti ama fikrad iyada oo aancidna lagu xadgudbayn lana jabinayn shuruucda saxaafada.Xoriyada hadalka iyodhaliishu waxka waa lagama maarmaan waxana lagu saxaa dawladaha lagunadhaliilaa waxqabad la’aanta. Xeerarka saxaafadeenu samaystay inta badan lamadabaqo ama suaalo ayaaba ka taagan in saxaafadeenu leedahay xeerar iyo inkale. Hadaba waxa ay bulshawaynta dunida kale u isticmal wanag iyo faaido ayaaninagu u fahanay fadeexad,aflagaado,afxumo,been abuur iyo waxyaalo badan ooanshaxa iyo xeerarka saxaafada ka baxsan.

Wariyayaasha wadankeenu malaha xoriyada saxaafada waxa ay u haystaan: 

Ku xadgudubka sharafta dadka.
Fidinta beenta iyo wararka aan salka lahayn.
Kala fogaynta iyo iska horkeenida masuuliyiinta dalka.
Kicinta dadka iyo ku guubaabinta qalalaasaha iyo falalka ku lidka ahamniga iyo daganaanshaha dalka.
Hurida iyo ka qayb qaadashada is afgaranwaaga ka dhex dhaca axsaabtadalka.
Taageerida iyo sumcad u samaynta cidkasta oo qalalaasa iyonabadgaliyo dara wada.
Buunbuuninta wararka aan salka lahayn.
Kala saarid la’aanta danta guud iyo ta shakhsiyeed.

Saxaafada dalka laguma yaqaano ku dhiirigalinta muwaadiniinta in ayilaashadan nabadgaliyada kana hortagaan waxkasta oo abuuraya nabad galiyodaro. Xiliyada lagu jiro doorashooyinka oo ah xiliyo aad u adag oo ay ahaydin saxaafadu kaalin laxaadle oo nabadeed ka qayb qaadato,ayaa waxa aadarkaysaa in ay sii laban laabayso
wararka beenta ah ee aan salka iyo raadkalahayn, wararkaas oo dadka ka dhex aburi kara iska horimaad. Waxa tusaalefiican ugu filan saxaafada in ay ka faaidaysato khaladaadkii ay gashaysaxaafada Kenya xiligii doorashadi madaxtinimada dalkas lagu jiray ,xiligaasoo ay jirtay xamaasad iyo ficiltan keenay iska hor imaad ay ku dhinteendadka badan 1000 qof oo aan danbi lahayn. Dhibatadaas oo masuuliyadeeda lagueedeeyo in ay kaalin ku lahayd saxaafada Kenya. Maxaa u diidan saxaafada in ay ku shaqayso xeerarka saxaafada? 

Aqoon daro ka haysa xeerarka saxaafada.
Tobobar la’aan haysata shaqaalaha saxaafada.
Bulshada oo ka qaybqaadata nidaamdarada iyo xeerar jabinta sida iyagaoo bixinaaya laaluush si loogu soo qoro maqaaladooda ama faalooyinkoodajaraaidka.
Xeerkii ganaaxa ama ciqaabta oo aan la shaqa galin kaa soo yaraynlahaa ku tacadiga sharafta dadka iyo been abuurka.
Xurguf ka dhex jirta saxaafada dhexdeeda. 
Xakama la’aan ka jirta dhinaca dawlada. Saxaafada dalka maxaa la haboon in ay samayso?

1. In ay ka ka warhayso meesha ama manbaca warka ay ka helayso.
2. In ay ilaaliso shuruucda iyo xeerarka saxaafada.
3. In ay dhexdhexaad noqoto.
4. In ay ganaaxdo wariyihii ama saxafigii lagu helo inuu jabiyey xeerkasaxaafada.
5. In ay raaligaliso muwaadinkii sheegta in ay saxaafadu ku gaftay.
6. In ay u fidiso tobobaro isdaba jog ah hawl wadeenada saxaafada.
7. In ay dadka ku booriso adkaynta nabadgaliyada iyo ka dheeraantawaxyaalaha nabadgaliyo xumada keena.
8. In ay soo saarto shaqaale aqoon saxaafadeed leh si ay isbadal ,dibuhabayb iyo horumar ugu sameeyaan saxaafada.
9. In ay sheegaan wax qabadka qofkii ama shirkadii wax wanagsan ku sookordhisa horumarka dalka.
10. In ay aqbasho wax ka sheegida saxaafada kana faa’idaysatofikradaha/aragtiyada dadweynuhu u soo bandhigayan si ay u yareeyaankhalalaadka iyo gafafka saxaafadu galayso.

Guntii iyo gunaanadkii waxa aan u soo jeedin lahaa saxaafada in ay wax kabadalasho sida hada ay wax u wado,kana hadho been abuurka iyo wax u dhimidasharafta dadka,kuna dadaasho sidii ay u samaysan lahayd sumcad,kalsooni iyodhexdhexaad nimo bulshada dhexdeeda. Waxa saxaafada la haboon in ay geeddheer iyo ku gaabanba u korto sidii nabadgaliyada iyo daganaanshaha dalkaqayb laxaadleh uga qaadan lahayd xiliyada doorashooyinka,xiliyadaas oonabadii iyo xasilonidii in badan lagu taamayey si fudud loo waayi karo.

Qalinkii: Mustafe Aadan Maxamuud
xaqsheeg@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player