Marka hore waxaan salaamayaa bahda Lughayanews iyo idhanka.com, marlabaad waxaan aad ula dhacay qoraal ay gabadh soomaalieed kusoo qortay bogga idhanka, Waxaan rabaa inaan wax ka idhaahdo aragtidayda ku wajahan arintan.
Gabadha walaashay ahi waxay tibaaxday xaqiiqo inta badan dumarka soomaalidu is baal mariyaan ama aanay jeclayn inay taabtaan, waxaanan qabaa waa run wakhtigeedii la gaadhay in laga dhawaajiyo.
Waxaan si cad usoo baxday 10kii sanee udambeeyay nasiibdarrada ku habsatay darteeed dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo wiilasha Soomaaliyeed gaadhsiisay in intii waddanka ku hadhayna qaad ay raadiyaan mooyee noloshooda inay wax kusoo kordhiyaan inay ku fakaraan ay yartahay, inyaroo fara kutirisa maahee, kuwii dibbadda tagayna laba qaybood oo aan ka dhicin uun ah. gabadhii soomaaliyeed yaa usoo socda?
Dumarka wakhtigoodu waaka kooban yahay kan ragga, gabadhu waxay ku qurux badan tahay inay noqoto marwo guri ay leedahay kasoojeedda kuna asturnaato nin akhyaara oo dhaqankara iyada iyo ubadkeedana noloshooda ku fillaankara.
Hadaba dhan kale haddaan iska taago qoraalka walaalo Hibo anigu waxaan arkaa inay qaybta ugu badan dumarku sabab u yihiin guumaysnimada (guur la’aanta).
Kadib markay arkaan wiilashu culayska reer cusub agabkiisa qaalinimadiisa iyo shaqo xumada waddanka taalla iyo duruufta adagee dadka iyo dalkuba marayaan, dhan walba markuu ka joogsaday noloshii ku hareeraysanayd, waxay uqayb sameen saddex qaybood:-
1- Mid waxa u soo baxday inuu buuqa aduunyada isku illowsiiyo-waa sida ay nalo noqotaye-qaad iyo balwad fikirkale kufurta oo waxyaabo aanu gaadhi Karin kafakaro inta uu geedkaa gadhaadh ruugayo, kadib ay ka kala daadato marka uu ka kaco.
2- Midkale waxa usoo baxday inuu badda isku halaago ama geeri ama nolol ama jeel ama rafaad iyo himiladiisii oo uu hore ugaadh is yidhaa.
3- Midka ugu dambeeya waana tiro aad iyo aad uyaree mittidday ee waddanka aaminay aqoon iyo aduunba inay qayrkood la jaan qaadaan isku dayay wax ilaahay la kulmiyaba la tacaalla duruufta ku hareeraysan.
Hadaba conditions ka ay gabadha qoraalka hore lahaydi taxday ee ay kasoo xigatay buuga ninka reer galbeed qoray, miyaanay haboonayn in gabadha somaliyeed qaar ka mida shuruudahaaas hoos uga dagto?? iyadoo eegaysa xaaladdeeda gaarka ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed marayo ??
Shuruudaha ay haboon tahay inay ka tanaazulaan gabdhaha Soomaaliyed waxa kamid ah:-
1- in ay iska daayaan gabadhaha Soomaaliyeed shuruudda la caadaystay in lagu xidho wiilka Somaliyed ee akhyaarta ah lacag aanu awoodin, taasi oo dumarka wadanka ku hadhay ha ubadnaadaane ay dalbadaan wax dib uga joojiya intii akhyaarta ahayd ee kudhiirran lahayd guur,
-Hotel Hebel Hala Iigu Tumo,
-Fadhiga Noocaasa Ha Lla Iidhigo,
-Intaasoo Baabuur Ha Igu Galbiyo,
-Fannaaniinta Wadanka Halla Iidalbo.
Waxa ila haboon inay gabadha soomaliyed ka fakarto in ay haboon tahay inay kafaa iidaysato wakhtigeeda yaree kooban sidii ay uheli lahayd nin akhyaara aduun waa lahelaa nin akhyaara sida loo helaa waa adag tahay, shuruudaha la soo sheegay inay iska dayso oo ay qiimayso ninka wanaagsan hadii rabbi la kulmiyo.
2-Waxa dummarka Soomaaliyeed horyaalla inay garowsadaan oo ay ogolaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xikmadda ilaahay ujideeyay in ninku 4 dumara guursado hadda ayayna taagan tahay markaan ka eegno dhinacyadan.
A- Gabdhihii oo isku soogaadhay sadex jiil ama generations iyo ka badan.
B- Wiilashii oo ay yaraatay intii xil guur qaadi kari lahayd.
C- Tiradii dumarka oo marwalba kabadan tii raga, siina kordhaysa.
D- Noloshii oo sii cakir maysa marba marka kadambaysa.
Hadaba waa inay gabadha soomaaliyeed ee wiilka akhyaarta ah kaligeed hoosta kuhaysataa, unaxdaa hablaha walaaleheeda oo ay jaanis siisaa ama u ogolaataa ninkeeda in uu mid walaasheeda oo mudan in marwo ay noqoto ubadna u hamuum qabta kudhiiri galisaa inuu heblaayo la guursado.
Markaan eegay hablaha Soomaaliyeed siiba kuwa woqooyi kazoo jeeda naxariisdarrada kamuuqata inay ninkooda naagkale soo qaadi karin , iyaga ayaan dambiga dusha kasaarayaa cuqubada hablaha Soomaaliyeed ee akhyaarta ah ee is gaadhay ee nasiib uyeelan waayay sidoodoo kale inay marwo ama hooyo ubadkeeda dhexjoogta noqdaan.
Waxa kale oo aan eeddo noocaasoo kale ah usoo jeedinayaa hay’adaha udooda xuquuqda dumarka oo baalmaray xaquuqdoodii dumarka ee dhabta ahayd, una tusay dumarku inay difaac ka galaan sidii ragga la iskaga caabbin lahaa kaliya, taasina ay dhaxalsiisay gabdho badan inay kuwaayeen hooyonimo iyo marwonimo inay nasiib u yeeshaan.
NB:- maqabo in si xilkasnimada kabaxsan loo guursado dumar badan ee waxaan ka wadaa ninkii awooda u leh inuu kazoo baxo waajibka iyo culayska xilka noocaas ah oo kudhisan caddaaladda oo asal u ah guurka hal dumara waxa ka badan .
idhanku kama masuul ah maqaalkan ee wa fikradda qoraha oo qudha .Haddii aad wax jaawab ama daraas ku saabsan mayduucad aad hayso fadlan u soo qor idhanka .com adigga oo ku soo hagaajinaya waxaan aad ugu dhiirinayaa in gabdhaha soomliyeed oo inta badan aan ku dhiiran in ay ka waramaan .mawduucyadda noloshoodda taabanaya in ay noo soo qoraan Insha allahna waanu soo daabici webmaster@idhnka.com.insha Raggana naftoodu ha soo qoraan ,waayo arinta guurku waa in laga maqalaa labadda dhinacba.
Qoraga mawduuca
lyas Ahmed
ilyaassom@hotmail.com
Source-Lughaynews
















Posted in 





