Inta la ogyahay ilaa seddex askari oo Itoobiyaan ah iyo Toban qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay iska hor imaad dadweynaha reer Buhoodle iyo ciidamado Itoobiyaan ah ku dhexmaray magaalada Buuhoodle
Wararka ka imanayaa Magaalada ayaa sheegaya in dagaalkaas uu bilaabmay kadib markii ciidamada Itoobiya ay gudaha u galayn Magaalada Buuhoodle iyadoo markaas dadweynaha magaalada degan dagaal kala hor tagayn
Wararku waxay intaa ku darayaan in Dhaawacaha gaadhay dadka rayidka ahi uu gaadhayo ilaa Labaatan qofood inkastoo aanay jirin ilaa hadaaya warar madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada iyo Dhaawaca ka dhacay iska hormaadka Ciidamada Itoobiya iyo dadweynaha degan magaalada Buuhoodle.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa Buuhoodle in dhawaydba iyadoo sida wararka qaar sheegayaan uu isku dhacu ka bilaabmay markii ciidamada Itoobiya ay amar ku soo rogayn gaadiidka ka baxa ama soo galaya magaalada Buuhoodle
Markuu bilaabmay Dagaalku wax yar kadib waxa khadka ka baxday Isgaadhsiinta magaalada oo la damiyey iyadoo adag tahay in la helo warar intaa dhaafsiisan oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay deegaankaas.
Source-bnn
















Posted in 





