Kalmada – Laa Ilaaha ila Laah

Kalmada - Laa Ilaaha ila Laah

Kalmada – Laa Ilaaha ila Laah

 Kelmada “laa ilaaha ila laah” waxay ka kooban tahay laba qaybood : “Laa ilaaha” oo macnaheedu yahay diidmo iyo “ila laah” oo macnaheedu yahay oggolaansho ama sugid. Marka labadda kelmadood laysku raaciyana waxay noqonayaan in aanu jirin ilaah aan ahayn Allaha xaqa lagu caabudo. Hadii la sii sharxana waa in nooc kasta oo cibaado tahay loo diido cid kasta, loona sugo alle (swt) keligiis. Sida loo yidhaahdo isqurxintu waa isnadiifinta kaddib, waxaa shardi ah in intaan la gaadhin in Alle (swt) loo sugo cibaado oo dhan marka hore la tuuro oo banaanka layska dhigo laguna kufriyo cid kasta oo kale, kadibna Alle (swt)loo qiro inuu yahay Allaha keliya ee xaq lagu caabudo.

Aayado badan oo quraanka ah ayaa sidaas ku soo arooray oo la micne ah kelmadda tawxiidka,waxaana ka mid ah Aayadan: “Qofkii ku gaalooba daaquutka ee Alle rumeeya wuxuu qabsaday xadhigii adkaa”(Al-Baqarah:256). Laba qaybood ayey ka kooban tahay : in daaquutka laga dheeraado iyo in Alle (swt)keligii la caabudo. Daaquutka waxaa la yidhaadaa wax kasta oo la caabudo Alle (swt)sokadiis, shaydaanka waa lagu fasiray. Aayad kale Alle (swt)wuxuu ku yidhi: “Waxaanu ka soo bixinay ummad kasta Rasuul inay caabudaan Alle oo ka dheeraadaan daaquudka”(An-Naxal:36) Ibnu Qayimna: wuxuu ku sharxay daaquudka: “Wax kasta oo addoonku xadkii loo dhigay kaga gudbo ha noqdo mi la caabudo,mid ladabagalo ama mid taliya oo loo hogaansamo.

Daquudyadana shan ayaa u madax ah:

Ibliis : qofka la caabudo isagoo ka raali ah ka dadka ugu yeedha in la caabudo, Ka ku dooda : inuu qaybka wax ka ogyahay iyo Ka wax ku xukuma: wax aan ahayn kitaabka Alle (swt)soo dejiyey”waxaa soo gelaya xukunka qofka naftiisa ku xukuma waxa Alle (swt)ka xaaraantimeeyey,qofka gurigiisa aan ka dhaqangelin shareecada islaamka,

Odayga: reer u taliya ee xeer khilaafsan ka islaamka ku xukuma iyo Ninka: madax u ah ummadda ee qawaaniin shisheeye ama Kuwo uu isaga dejiyey ku xukuma.

SHURUUDAHA

“LAA ILAAHA ILA LAAH”

Qirista “Laa ilaaha ila laah” waxaa la socda shuruudo waajib ku ah qofka Muslimka ah inuu baro oo sida ay yihiin u dabaqo, Kuwaas oo culimadu ka soo dhex saareen Quraanka iyo Sunnada Rasuulka (nnkha) waana kuwan:

Aqoonta : Alle (swt) wuxuu ina amray: “Baro inaan Alle mooyee ilaah kale jirin” (Muxammad:19). Xadiis uu muslim soo saaray wuxuu rasuulku (nnkha) yidhi: Qofka dhinta asagoo aqoon u leh “Laa ilaaha ila laah” janada ayuu galayaa. Aqoonta ama barashada labada shahaado waxaa weeye waajibaadka la socda iyo waxa burinaya in cilmi loo yeesho.

Hadii qofku jaahil ka yahayna wuxuu ku dhacayaa shirkiga, bidcada iyo hawo raaca ay muslimiinta qaarkood diin ka dhigteen markay xadkii loo jeexay labada shahaado ka gudbeen oo aynu maqaalo dambe idanka Alle kaga hadli doono.

Yaqiinta: oo shakigu ka soo horjeedo. Alle (swt) isagoo yaqiinta ku ammaanaya Mu’miniinta wuxuu yidhi: “kuwo kale ma ahee Mu’minniintu waa kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa ee ann shakiyin una hura xoolahooda iyo nafahooda Alle dartiis, kuwaas ayaa ah kuwa run sheegayaasha ah”(Al-xujraat:15) Rasuulkuna (nnkha) isagoo labada shahaado ka hadlaya wuxuu yidhi: “Qof kuma kulmiyo Alle (labada shahaado) oo aan midkoodna shaki kaga jirin ilaa uu ka geliyo jannada”(Muslim). Waxa kale oo Rasuulku (nnkha) yidhi: “Sabarku waa imaanka nuskiis, yaqiintuna waa imaanka kulugiis.” Qofka aanay wax shaki ahi kaga jirin labada shahaado waxaa lagu gartaa cibaadada oo uu Alle u gaaryeelo, Rasuulkuna (nnkha) si buuxda u raaco.

Aqbalaada: (Al-Qubuul). Waxaa jira dad laga helo labada shuruudood ee hore (Cilmi u leh “Laa ilaaha ila laah” oo yaqiinsan) laakiin aan aqbalayn ama kibir haka noqoto ama xaasidnimo jar haka tuurto. Waxa qoladan soo gelaya Culimada Yuhuudda iyo Nasaarada oo aqoonsan inaan Allaha xaq lagu caabudo mooye aan ilaah kale jirin, Muxamadna Rasuulkiisii ugu dambeeyey yahay. Alle(swt) wuxuu yidhi: Kuwa aanu siinay kitaabku waxay u yaqaanaan Nabiga sida ay caruurtooda u yaqaanaan” (al-Baqara:146) mana ay aqbalin ee waa ku gacan saydheen oo la dagaalameen. Alle (swt) wuxuu yidhi: Waxay jecel yihiin in badan oo ahlu Kitaabka ahi (Yuhuuda iyo Nasaarada) inay rumayntiina kaddib idiin celiyaan gaalnimo, xasad naftooda ka yimid dartiis, kaddib markuu xaqu u cadaaday”(al-Baqara:109). Mushrikiintii Mkka iyagoo ogaa in ilaahay mooyee ann ilaah kale jirin, iyagoo Rasuulka (nnkha) qirayey ayey haddana inay aqbalaan risaaladda iska wetnaynayeey,Alle (swt)wuxuu yidhi: Waxayna ahaayeen marka lagu yidhaahdo Alle mooyee Ilaah kale ma jiro kuwo iska weyneeya”(As-saafaat:35). Waxaa kale oo Alle (swt)yidhi: Dhab ahaan kuma beeninayaan laakiin daalimiintu aayadaha Alle ayey inkiri”(Al-Ancaam:33). Qofkasta oo muslim ah oo ku xadgudba labada shahaado ama ha baryayo weli ama shaydaan ama qabri haku dul wareegayo ama xoolo ha u qalo, waxa ku waajib ah hadii xaq loo sheego inaanu diidin ee qaato.

Ku toosnaanta: Ku toosnaanta “Laa ilaaha ila laah” waa ku toosnaan in Alle (swt) keligiis la caabudo iyo in laysu dhiibo. Wuxuu Alle yidhi “Yaa ka diin fiican qofka wejigiisa u jeediyey Alle isagoo sama fali”(An-Nisaa:125) Aayad kale waxa Alle (set)ku yidhi: Ruuxii uu jeediyey wejigiisa xagga Alle isagoo samo fali wuxuu qabsaday guntintii adkayd” (Luqmaan:22)

Ka run sheegid qalbiga ah:. Qofku isagoo carrabka ka ogol ayuu qalbiga ka diidanaan karaa, sida munaafaqiinta oo Alle (swt) isagoo tilmaamaya yidhu: Markay kuu yimaaddaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay ku odhanayaan waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuulkii Alle, Allana waa ogyahay inaad tahay Rasuulkiisii, Allana wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu beenaalayaal yihiin”(Al-Munaafiquun:1). Rasuulkuna wuxuu yidhi ” Qofka yidhaahda “Laa ilaaha ila laah” isagoo qalbigiisu ka run sheegayo Jannada ayuu gali.”

Ikhlaaska: Waxaana ka soo horjeeda shirkigga. Alle (swt) wuxuuna yidhi: “Alle caabud una badhaxtir diinta (cibaadada). Diinta (cibaadada) badhaxa la?na waxay u sugnaatay Alle” (As-sumur:2). Rasuulku wuxuu yidhi dadka ugu mudan shafaacadaydu waa kuwa qalbi khaalis ah ka yidhaahda “LAA ILAAHA ILA LAAH” (Bukhaari iyo rag kale)

Jacaylka : waxaa ku waajib ah addoon kasta jacaylka Alle (swt) Rasuulkiisa iyo jacaylka wax kasta oo hadal ama ficil ah oo Alle jecel yahay jacaylka dadka wanaagsan ee Alle u hoggaansama. la jeclaado oo hiil iyo hooba loo huro, inaan gaalada iyo cid kasta oo islaaka iyo mislimiinta colaadisa aan loo hiilin, lala saaxiibin, la jeclaan, la aaminin oon lagu kalsoonaan.

KU kufri : wax kasta oo Alle (swt) sokadiis la caa buda. Waxaana soo gelaya. sanamada, anbiyada, malaaiigta, awliyada, xabaalaha, jinka, qabyaalada, maalka, iwm.

waxaan dhamaan idinka codsayaa in aad ka faaidaysataan unaa gudbisaan dadka mislimiinta dhamaatood,dhibta, dadkeen maanta haysata wa fahan laiaanta tawxiidka,waxaan ahay arday aad u aqoontiisu u gaabantahay,wixii sax ah faminlaah , wixii khalad ilaahay iyo rasuulkiisu bari ayey ka yihiin, waa shaydaan iyo naftayda,waxaan dabidhaaf,

waydiisanayaa ilaahay,waxaa idinka codsan in aad la socotaan qaybaha kale,ee soo socda,hadaba siday iigu suurto gasho,Inshaa alaah.

Xaamud Cali Cilmi(hamud13@hotmail.com)

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player