. Talaado, 6, April, 2010 (Idhanka) Warar hadda laga hellayo degamada Matabaan ee Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in Xoogagga Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljmeeca dib ula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan ee Goballka Hiiraan oo saakay waabarigii hore mar gacan u gashay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca kana yimid Degmada Gure-ceel ay u soo dhaafeen degmada Matabaan dhinaca deegaannka Bacda oo masaafo aan badneyn u jirta deegaannka Beer-gadiid ee Goballka Hiiraan halkaa oo iska horimaad aan badneyn uu ku dhaxmaray Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa ka tirsan Xarrakada Al-shabaab ee saakay werarka ku qaaday degmada Matabaan.
Dadka degmad Matabaan oo qaarkood HOL la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in gudaha degmada Matabaan ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana ay dadka deegaannku intaa ku darayaan in Ciidamada Al-shabaab isaga baxeen degmada markii ay ka warheleen Ciidamada Ahlu Sunna ee ku soo jeeda degmada Matabaan.
Dagaalka saakay ka dhacay degmada Matabaan iyo deegaannada ku dhaw dhaw ayaa soo baxay xili Todobaadyadii aynu soo dhaafnay deegaanno badan oo ka tirsan Goballada Bartamaha Soomaaliya ka jirreen dhaq dhaqaaqyo Militari iyo dagaallo u dhaxeeya Xoogagga isku haya Siyaasada Soomaaliya kuwaa oo kala tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo waliba Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
Source-Hol
















Posted in 





