Xildhibaan Cabdi Nuur Oo Sheegay Inay Dowlada KMG iyo Maamulka Ehlu Sunna Dagaal Wadajir Ah Qaadi Do

 
 
  Xidlhibaan Cabdi nuur oo maanta ka qayb galay Kulan ay isugu Yimaadeen dariiqooyinka Suufiyada ee soomaaliya ee ku Midoobay maamulka ehlu suna ayaa shaaca ka qaaday inay dowlada FKMG ah iyo maamulka ehlu usna iska kaashan doonaan sidii ay dagaal Ugu qaadi lahaayeen Xoogaga islaamiyiinta ee ku sugan dalka soomaaliya .

Xidhibaanka oo saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa shaaca ka qaaday inay kulankooda kaga arinsayeen sidii ay u midayn lahaayeen dhamaan dariiqooyinka islamrkaana iskaga kaashan lahaayeen dagaala ay kula jiraan xoogaga islaamiyiinta ee dowlada Kasoo horjeeda .

sidoo kale xidlhibaan cabdi nuur ayaa intaasi ku daray inay ka go,an tahay inay maalmaha soo socda gacanta ku dhigi doonaan guud ahaan magaalada caasimada ah ee muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye isagoo farta ku fiiqay inay iyaga iyo dariiyinka qabuurahoodii la bur buriyey ay dagaalka iska kaashan doonaan .

si kastaba ha ahaatee hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xili ay dariiqooyinka suufiyada ee ku midoobay maamulka ehlu suna ay kusoo quol qulayaan wakiilo ka socdaa magaalada muqdisho.

 Source-Afnugaal

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes