Talaado, April 20, 2010 (Idhanka) Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee dalka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa uga digay Dowladda Soomaaliya inuu burbur ku keeno khilaafka sii baahaya ee u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Aadan Barre, wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku xalliyaan khilaafka u dhexeeya xildhibannada si ay uga badbaado dowladda inay daaqadda ka baxdo.
“Mudanayaasha isku haya sharci ahaanshaha guddoonka sare ee baarlamaanka waa inay dib ugu laabtaan sharciga u dagsan baarlamaanka ayna isku dayaan inay xal deg-deg ah ka gaaraan khilaafka, maadaama ay Dowladda Soomaaliya ku jirto xilli adag” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee dalka Kenya, wuxuu intaas ku daray in muranka u dhexeeya baarlamaanka uu yahay mid sahli kara in laba garab ay u kala jabaan xildhibaannada, isagoo xusay in haddii uu baarlamaanku dhaco ay dowladduna dhacayso.
“Dowladda Kenya iyo Dowladda Soomaaliya laba dowladood oo xiriir wanaagsan leh taas ayaa keenaysa inaan ka walwalno caqabadaha adag ee ay ku jito Dowladda, waxaan ka digaynaa in dalka uu la mid noqdo sidii mid ay Milaterigu la wareegeen” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda ay muujiyaan dabacsanaan ku aadan inay raalli ka yihiin in dalka uusan mugdi gelin, isagoo ugu baaqay inay xilalka ka tagaan haddii aysan waxba ka qaban karin khilaafka jira.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u dhexeeyo khilaafyo kala duwan oo ay kala wataan mudanayaal xiriirro hoose la kala leh Madaxda dowladda, iyadoo khilaafyadan ay dib u dhac ku keenee qabsoomidda fadhiyadii baarlamaanka.
Source-Hol
















Posted in 





